|
Khartoum,18th May 2003,
By Banadir.com
Isagoo ka jawaabayo martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Suudaan Lt.Gen./Eng. Cabdiraxiim Maxamed Xuseen, ayuu Mudane Daahir Maxamed Sheikh Nuur (Dahir Dayax),Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawladda KMG ah iyo wefdi uu hogaaminayo booqasho shan cisho ah ku tagay dalka Sudaan 8dii bishan May 2003 .
Soo dhoweyn diirran kadib, waxaa 9kii bishan May 2003 ku dhexmaray Xaruunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Suudaan labada dhinac wadahadalo rasmi ah oo lagu soo qaaday amuuro badan oo khuseeya sii xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaana arrimaha amniga iyo tababarada.
Waxaa dabadeed halkaa labada Wasiir ay ku kala saxiixdeen dokumenti la xiriira iskaashiga labada Wasaaradood iyo habkii lagu fulin lahaa oo lagu heshiiyay (Memorandum of Undertanding).
Mudane Daahir Dayax oo booqashadiisa kula wehliyay Mudane Maxamed Maxamuud Cabdalla oo sarkaal sare ka ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dawladda KMG ah,waxay maalintii xigtay soo booqdeen Taliska Guud ee Ciidanka Boliiska Suudaan,Kulliyadda culuunta sharciyada Boliiska, Isbitaalka weyn ee Ciidanka Boliisku leeyahay , Laanta Xabsiyada iyo Asluubta , Laanta Dembi-baarista,Qaybta Ciidanka Wadooyinka iyo Laanta Deb-demiska oo dhamaantoodba ku yaala magaala madaxda Khartoum .
11kii bishan May 2003, Wuxuu Mudane Daahir Dayax ku qaabilay Khartoum Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Suudaan, gaar ahaana ardada halkaa wax ku barata ,wuxuuna u kuur galay xaaladda ay ku sugan yihiin iyo waxa ay tabanayaan ,isagoo inta badan uga helay Jaamacadaha ay dhigtaan minxado waxbarasho. Wuxuu kaloo tigidho safar uga qalqaaliyay Wasaaradda Gaashaandhigga dhawr sarkaal oo Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Suudaan , waxbarashadoodiina dhamaystay .
Wuxuu kaloo fursad u helay inuu isla maalintaa soo booqdo Xaruunta Safaaradda Soomaalida ee Khartoum , halkaas uu ku soo ogaaday xaaladda soomaali gaareysa 256 qof oo laga soo celiyay Liibiya ayagoo tahriibaya, isagoo sidoo kale uga codsaday madaxda Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay u fududeeyaan hawlahooda, il raxmad lehna ku eegaan amuurahooda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawladda KMG ah oo uu la socdo u-dhigmihiisa ayaa waxaa subaxnimadii 12kii bishan May 2003 Xafiiskiisa si sharaf leh ugu qaabilay Lt.General Al-Haadi Cabdalla Maxamed Al-Cawad oo ah Wasiirka madaxda ka ah Majliska Golaha Wasiirada dalka Suudaan . Qaabilaadaas oo ku dhacday jawi saaxiibtinimo ku dheehan tahay waxaa la isku dhaafsaday wadahadalo qiima leh oo lagu sii xoojinayo xiriirka wacan ee ka dhexeeya labada dal.
Wefdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawladda KMG ah waxay socdaalkooda shanta cisha ah oo ay ku joogeen dalka Suudan ku soo gebegebeeyeen booqasho gaaban oo ay ku tageen magaalada lagu magacaabo Jiyaad .
|