|
Muxyadiin Xasan Cali (Darbo Weyne) ayaa si dirqi ah kaga guuleystay Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) kadib markii ku tartameen Jagada Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.
Darbo Weyne ayaa Wareegii hore helay 13 cod, halka Bashiir Goobe ka helay 11 cod, hase ahaate Wareegii Labaad ayaa Muxyadiin helay 13 cod halka Bashiir ka helay 12 cod, sidaas darted waxaa ku soo baxay Muxyadiin Darbo weyne oo afarta sano ee soo socota ahaan doono Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.
Doorasha oo ahayd mid adag ayaa labada dhinaca waxay kala haysteen taageeriyaal fara badan, hase ahaate dhib fara badan kadib Muxyadiin ayaa helay hal cod dheere ah, sidaas darted ayay guddiga doorashada ku dhawaaqeen in muxyadiin inuu yahay Guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.
Guddiga doorasha ayaa hadda waxay bilaabayaan doorashada inta ka harsan waxaana la dooranayaa kuxigeenada Guddoomiyaha iyo xubnaha Guddiga Fulinta.
|