|
Illaa sagaal
qof ayaa lagu dilay, 20 kalena waa lagu dhaawacay dagaal aan
waxba la isula harin oo maanta ka dhex qarxay maliishiyo u
daacad ah Cusmaan Caato iyo maliishiyada ganacsade Maxamed
Cabdulle (Deylaaf) oo galbinayey gawaari xamuul ah oo sidday
raashin uu leeyahay Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP).
Dagaalku
waxa uu ka dhacay, welina ka socdaa Ex. Koontarool Afgooye.
Maliishiyada Cusmaan Caato ayaa isku dayey inay hor istaagaan
gawaaridaasi oo u ku sii jeeday gobollada Bay iyo Bakool,
iyagoo doonayey inay ka qaataan lacag canshuur ah oo ay soo
rogeen inuu dhiibo gaari kasta oo xamuul sida. Maliishiyada
ganacsade Deylaaf waxa ay qandaraas horey ugu qaateen ilaalinta
raashin deeq ah oo uu leeyahay hay’adda WFP.
Wax yar
kaddib markii uu billowday gacan ka hadalka labada dhinac,
waxaa u suura gashay maliishiyada Deylaaf inay xoog ku furtaan
jidkaas, ayna dib u riixaan maliishiyadii Cusmaan Caato, hase
ahaatee taas ma soo afjarin rasaasta. Dhowr madfaca hoobiyaha
ah ayaa ku soo habaabay deegaanno ay deggan yihiin dad rayid
ah. Illaa lix boqol oo joogay guryahooda ayaa dhaawacyo ay
soo gaareen, waxaana istaagay gawaaridii u kala gooshaysay
magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ay waddo u ahayd dariiqa
lagu dagaallamayo.
Dad ku
dhow hay’adda WFP ayaa shaaca ka qaaday in maliishiyada Cusmaan
Caato xalay lala yeeshay wada hadallo ku saabsan in raashin
uu maro dariiqaas, hase ahaatee ay arrintaasi ku gacan sayreen.
Waxaa lagu warramay inay dalbadeen lacag fara badan. Horey
maliishiyadani, waxa ay hor istaagtay in Madaxweynaha KMG
ah, Cabdiqaasim Salaad uu maro dariiqaas isagoo ku sii jeeda
garoonka Ballidoogle.
Nin ka
mid ahaa ilaalo soo laabatay oo sagootisay Madaxweynaha ayaa
lagu dilay Ex. Koontarool Afgooye. Dadaal ay wadeen Wasiirka
Gaadiidka Badda, Cabdweli Jaamac Warsame iyo Taliyaha ciidanka
Booliska gobolka Banaadir Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa
socon waayey, kaddib markii maliishiyada Caato ay ku adkeysteen
inaysan bannaynin goobta ay fadhiyaan. Odoyaal labada dhinac
ah ayaa haatan isku dayaya inay xaaladda qaboojiyaan, hase
ahaatee labada maliishiyo ayaa weli isku wada rasaas goosgoos
ah. Rasaas wiifto ah ayaa soo gaaraysa meelaha ku dhow dhow
dagaalka.
|