|
Xaafadda Suuq-Bacaad, ee magaalada Muqdisho ayaa galabnimada
Khamiista waxaa ka dhacay dagaal ay isaga hor yimaadeen laba
kooxood.
Dagaalkaas
oo ku sal lahaa aargoosi waxaa uu dhex maray laba beelood,
ayadoo ay halkaa ku dhinteen 7 ruux qaar kale oo badanna ay
ku dhaawacmeen.
Dadkii xaafaddaha dagaalka ka dhacay deganaa
way ka qeexeen oo ay reerahooda ula carareen xaafadaha u dhow
dhow sida Xararyaale iyo Kaaraan.
Weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Yusuf Xasan, ayaa soo sheegay
in qiic madow laga arkayay
meel fog, kaasoo ka dhashay markii xabbado ay ku dhaceen meel
shidaal lagu iibinaayeen, ilaa iyo haddana shidaalkaas wuu
qiiqaayeen, ayadoo labada dhinac ay isu adeegsadeen hub uu
ka mid yahay qoriga lidka hawada ee Zuu-ga loo yaqaan.
|