|
Abu Dhabi,(WAM)
1st October 2001
Report prepared by Banadir.com
Sida ay
maanta ku soo qortay Jariidada Al-Ittixaad ee ka soo baxda
dalka Imaaraadka boggeeda koowaad, waxa uu Wasiirka Arrimaha
Dibedda ee Dawladda KMG ah Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buba)
qaabilaaddiisii Abu Dhabi shalay galab kadib u sheegay Wakaaladda
Wararka Imaaraadka (WAM) inuu u soo bandhigay Sheikh Xamdaan
Bin Zaayid,Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda xaaladda dhabta
ah ee dalka Soomaaliyeed ku sugan yahay iyo tallaabooyinka
ay Dawladda KMG ah ka qaaday ilaa iyo iminka sugidda amniga,hawlaha
dib-u-dhiska iyo musaalaxada wadaniga ah.
Wuxuu
kaloo Buba ku carabaabay hadalkiisa xiisadaha ka danbeeyay
dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay Mareykanka iyo sida ay lama
huraan u tahay inay Soomaaliya u daafacdo dhulkeeda ayadoo
kaashaneyso taageerada dhaqaale ee ay ka fileyso Dawladda
Imaaraadka Carabta .
Note:
For more details,please see the original article in arabic
from Al-Ittihad.
|