Dab
qabsaday qaybo ka mid ah suuqa wayn ee Bakaaraha
.
BBC (Muqdishow ,April 29 ,2002)
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya
in uu dab qabsaday qaybo ka mid ah suuqa wayn ee bakaaraha.Warar
hordhac ah, ayaa sheegaya in dabku uu ka bilowday
halka lagu iibiyo Cawda ee suuqaasi iyo goob kudhow
oo lagu iibiyo dhuxusha.
Dabkan, oo la sheegay inuu bilowday abaarihii 9 fiidnimo
ee xilliga Muqdisho, iyadoo uu sii xoogaystay ilaa
11-kii fiidnimo, ayaan la ogayn sababta uu ku bilowday,
inkastoo dadka qaar ay leeyihiin wuxuu ka bilowday
shidaal yaallay meel bakhaar ah.
Waxaa dabka inuu baaho ka qaybqaadanaya fuustooyinka
laba qarxaya oo qaar uu shidaal ku jiro, qaar kalena
saliidda raashinka lagu karsado.
Ilaa hadda lama xaqiijin karo inta uu la eg yahay
qasaaraha dabka, iyadoo cabsi wayn laga qabo inuu
dabku ku baaho dhinaca waqooyi ee Black Sea oo ay
yaalaan Haamo waawayn oo kayd shidaal ah iyo dhinaca
Koonfurteed oo uu ku yaallo bacadlaha dharka, goobahaasi
oo hadii uu gaaro uu dabku gaysan karo qasaaro aad
u wayn.
Dadgoobjoog ah, ayaa waxay sheegayaan inay arkeen
dad ay soo gaareen dhaawacyo rasaaseed, kuwaasoo ay
ridayaan ilaalada suuqa si ay isaga waabiyaan rag
hubaysan oo raxanraxan suuqa u imaanaya, kuwaasi oo
aan la kala garaynayn inay u socdaan inay badbaadsadaan
hantidooda iyo inay burcadnimo u socdaan.
Waxaa kaloo dadku sheegayaan in Ciidamada Military-ga
iyo Booliiska Dowladda Ku Meelgaarka oo ku hubaysan
baabuurta tiknikada ah ay gaareen si ay gacan uga
gaystaan daminta dabka iyo sugidda hantida dadwaynaha
suuqa taalla.Waxaa socda dadaal lagu daminayo dabka
oo aad u tabaryar, iyadoo dadwaynuhu ay isku dayayaan
inay damiyaan, isla markaana dadka qaar waxay sheegayaan
inay arkeen laba ka mid ah baabuurta dabdamiska oo
ka qaybqaadanayso daminta dabka, hase yeeshee, ay
dhibaato ka haysato jidkii ay u mari lahaayeen halka
uu dabka xoogiisu ka jiro.
Waxaa magaalada ilaa waqti dambe si aan looga baran
u shaqaynaya gaadiidka dadwaynaha oo kala daabulaya
dadwaynaha oo isaga imanaya dhamaan daafaha magaalada.