|
New York,15ka September 2005
By Banadir.com
Madaxweynaha Dawaladda Federaalka KMG ah ee Somalia Cabdullahi Yuusuf Axmed oo hagaaminaya wefdi ballaaran ayaa lagu waday inuu muddo dhow gaaro Xaruunta Qaramada Midoobay ee new York, halkaas uu kaga qayb geli doono shir-sanadeedka Hay'adda oo ku beegmay sanadkan munaasabada xuska sanadguuradii 60aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Jamciyadda Quruumaha ka dhexeysa sanadkii 1945.
Dabaaldegga xuska sanaguurada 60aad awgeed,waxaa sanadkan fadhiga Guud ee Qaramada Midoobay laga filaya inay ka soo qayb galaan in ka badan 160 hogaamiye oo isugu jira Boqoro,Madaxweynayaal iyo Ra'iisul Wasaarayaal.
Xoghayaha guud ee Jamciyada Quruumaha ka dhexeysa Mudane Kofi Anan oo munaasabadda furitaanka shirka ka hadlay ayaa carabaabay is-afgaranwaaga xubnaha ururka qaarkood inuu ku noqday caqabad isbedelada aas-aasiga ah ee lala rabay qaabka dhismaha iyo midka hawleed ee Qaramada Midoobay, laakiin uu ku rajaweyn yahay in laga gudbi doono khifaadkaas mustaqbalka dhow .
Madaweynaha Mudane Cabdullahi Yuusuf, wuxuu ku yar hakaday habeen hore madaarka Dubai ee Imaaraadka, halkaas uu kula kulmay General Cadde Muuse oo madax ka ah maamul goboleedka Puntland, Ismaaciil Maxamuud Hurre oo ka tirsan golaha Wasiirda Federaalka KMG ah, oo beryahan booqanaya Imaaraadka iyo xubna ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Imaaraadka.
|