|
Nairobi,1da Nov.06
By Banadir.com
Madaxweynaha Dawladda Federaalka kmg ah ee dalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo wefdi uu horkacayo ayaa ku fool leh berrito oo taariikhdu tahay 2da November 2006,caasimada Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha magaalada Peking .
Wefdiga Madaxweynuhu waxay dalka Shiinaha kaga qayb gali doonaan shirka khuseeya xoojinta xiriirka dhan walba ah ee iskaashiga dalka Shiinuhu la leeyahay wadamada Qaaradda Afrika, oo lagu wado inuu ka furmo magaalada Peking maalinta Jimcaha ah ee soo socota .
Wefdiga Madaxweynaha oo si transit ah ugu hakan doono saqda dhexe ee caawa madaarka magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaa la filayaa inuu gaaro magaalada Peking galinka danbe ee Khamiista berrito ah .
|