|
Mogadishu,5th April 2004
By Banadir.com
Roobabka xilliga gu'ga ayaa ka curtay meelo ka tirsan gobolada waqooyi iyo kuwa dhexe ee dalka Somalida. Wararku waxay sheegayaan inuu roobka gu'ga uu si fiican uga curtay nawaaxiga magaalada Burco ee Waqooyi Galbeedka Soomaaliya.
Sidoo kale , waxaa laga soo sheegay gobolada dhexe ee Hiiraan iyo meelo ka tirsan Galguduud inuu isna si wanaagsan uga bilowday roobka. Curashada roobka gu'ga ayaa ku soo beegmay xilli dalku marayo xaalad adag oo jiilaal ah, duunyaduna ay si aad ah ugu baahan tahay in roob la helo.
|