|
Mogadishu,22nd September 2003
By Banadir.com
Madaxweynaha Dawladda KMG ah Cabdiqassim Salaad Xasan ayaa dhowaan u soo magacaabay inuu Safiir cusub ka noqdo Saladanadda Cumaan Xuseen Saalax Muuse oo hore uga tirsanaan jiray saraakiisha ciidankii milatariga ahaa ee maamulkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre .
Sida dhabtu tahayna, magacaabidan waxay ku soo beegantay waqti ay walaayadii ka dhamaatay Cabdiqassim iyo Dawladiisa KMG ah, Soomaalina ay ugu fadhido magaalada Nairobi nabadeyn ka dhacda dal-weynaha Soomaaliyeed, si markaa loo helo Dawlad Soomaaliyeed oo Sal ballaaran . Waana qodob u baahan inuu si weyn oo miisaaman uga taxadiro, mar hadii uu rajo danbe ka leeyahay inuu dib ugu soo noqdo maamulka Soomaalida .
Sida la ogsoon yahay, wuxuu Cabdiqaassim hore ugu soo magacaabay ;-1) Xuseen Maxamed Bullaale inuu danjire ka noqdo dalka Imaaraadka .2) Maxamed Saban Nuur inuu Danjire ka noqdo dalka Jabuuti. 3) Axmed M.(Xasharo) inuu noqdo wakiilka Soomaaliya ee jooga xaruunta Qaramada Midoobay .
Waxayna Danjirayaashaas saddexda ah iyo ka iminka la magacaabayba dhamaantood ka soo jeedaan gobolada Waqooyi oo iminka sheegtay inay yihiin maamul gooni isu-taagay , lana magac baxay Jamhuuriyadda Somaliland .
Taariikh-nololeedka Xusseen Saalax oo kooban
Xuseen Saalax oo ku dhashay magaalada Cerigabo sanadkii 1943, waxa uu waxbarashada dugsiga sare ku soo dhameystay magaalada Cadan ee Koonfurta Yaman, isagoo markaa kadib ku biiray bilowgii lixdameeyada Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Mooskow ee dalkii hore loogu yiqiinay Midowga Sofiyeeti.
Wuxuu markaa kadib ku biiray Ciidankii Soomaaliyeed bartamihii 1968 isagoo Xiddigla ah.1974, Wuxuu Xuseen Saalax madax ka noqday Xafiiska Hogaanka Arrimaha Dibedda ee Wasaaradda Gaashaandhigga , isagoo markii danbe ka noqday Ku-qaybsanaha Arrimaha Milatariga ee Safaaradaha Soomaaliya ee ka kala furnaa magaalooyinka Khartoum (Sudan) iyo Baqdaad (Ciraaq).
Wuxuu ugu danbeyntii ku biiray Xuseen Saalax Dawladdii KMG ahayd ee magaalada Carta lagu soo aas-aasay dabayaaqada 2000 ee uu madaxda ka ahaa Cali Khaliif Galaydh, isagoo lagu magacaabay Wasiiru-Dawla Madaxtooyada .
|