|
Muqdisha,23/3/2006
By Banadir.com
Iska hor-imaad qalafsan oo la isu-adeegsay hub culus ayaa shalay ka dhacay magaala madaxda Muqdisha,dagalkaa oo ay isku hertiyeen laba nin oo ganacsato ah oo ka soo wada jeeda hal beel,oo ku abtirsada dadka ugu tira badan ee dega meela kamid ah gobolada Banadir iyo Shabeelaha Dhexe .
Waxaa nasiib darra ah inuu iska hor-imaadkan yahay kii labaad ee soo foodsaara dadweynaha ku dhaqan magaala madaxda, iyadoo aan weli laga soo kabsan dagaalkii kan ka horeeyay, oo keenay dhimasho iyo dhaawac badanba .
Labada Cisbitaal ee Keysaneey iyo Madiina ayaa la kala geeyay ragga ku dhaawacmay dagaalkii shalay dhacay,warararka ku saabsan khasaaraha dhimasho ee uu keenay dagaalka ilaa iyo hada si sax ah looma kala caddeyn, sidoo kalena cid ku sed-bursatay dagaalka, ama ku adkaatay ma jirto, marka la eego labada dhinac ee isku haysay dirirta.
|