|
Maxamed
Ibraahim Cigaal oo geeriyooday
Waxaa maanta magaalada Pretoria ku geeriyooday, Madaxweynaha
Somaliland, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Maxamed Ibraahim Cigaal oo ay da'diisu tahay ku dhowaad siddeetan
sano, waxaa uu Soomaaliya ka soo noqday Ra'iisal Wasaare lixdamaadkii.
|
|
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
|
Cigaal waxaa lagu tilmaami karaa siyaasiyiinta Soomaaliyed ee
xilalkiisa oo kale qabtay kii ugu wakhtiga dheeraa nolosha siyaasadda.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu ku dhashay sanadkii 1929-
kii degmada Odweyne ee gobolka Togdheer.
Yaraantiisii waxuu ku barbaaray magaalooyinka Burco, Berbera
iyo Sheekh, oo uu ku dhameystay waxbarashadiisii malcaamadda
qur'aanka ilaa iyo dugsiga Sheekh.
Warbarasha sare ayuu u tegay oo la xiriirta xagga ganacsiga
magaalada London, ee waddanka Britain, waxaana uu dalka dib
ugu laabtay, horaantii sanadihii kontomeeyadii oo xilligaasi
ay aloosnayd dabeyshii xornima-doonka xisbigii SNL.
Sanadkii 1956-dii Allaha U Naxariistee Maxamed Xaji Ibraahim
Cigaal waxaa loo doortay in uu noqdo xooghayihii guud ee xisbiga
SNL, ee u halgamaayey xornimadii Soomaali-Land.
Bishii Feberwari, sanadkii 1960-kii, Allaha U Naxariistee Maxamed
Ibraahim Cigaal, waxuu gacantiisa ku soo saxiixay, in Soomaali-Land
ay xornimadeeda ka qaadato Dowladda Ingriiska taariikhdu markeey
tahay 26-ka Juun ee sanadka 1960-ka.
Markaasi waxaa Cigaal ku wehliyay heshiiskaas, rag ay ka mid
ahaayeen Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur, Axmed yuusuf
Ducaale, iyo Maxamuud Cabdi Carraale.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Alaha U naxariistee waxuu noqday
hogaamiyihii u horeeyey ee Soomaali-land, kadib markey xornimadeeda
gaartay 26-kii Juun sanadkii 1960-kii.
1-dii July 1960-kii markii gobollaada koofureed ee Soomaaliya
ay iyana xornimadoodii ka qaateen dowladda Talyaaniga ee ay
dhalatay jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
oo hogaaminaayey wafdigii ka socday Soomaali-land wuxuu noqday
wasiirkii gaashaandhigga ee ugu horeeyey Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxuu kaluu noqday wasiirka tacliinta
ee Soomaaliya 1963-dii ilaa iyo 1964-tii, hase yeeshee wuu iska
casilay gollihii wasiirrada ee sanadkaasi, isagoo hogaamiye
ka noqday xisbi mucaarad ahaa oo la oran jiray SNC,markii dambena
wuxuu ku biiray Cigaal xisbigii SYL.
10-kii July 1967-dii, wuxuu noqday Cigaal ra'iisul-wasaaraha
Soomaaliya, markii Cabdirashiid Cali Sharma'arke loo doortay
xiligaasi madaxweynihii Soomaaliya.
Cigaal mar kale ayaa loo doortay jagadaasi ra'iisul-wasaaraha
doorashooyinkii 1969-kii .
21 Oktoobar 1969-kii markii inqilaabka milatari oo uu hogaaminayey
Maxamed Siyad Barre, uu ka dhacay Soomaaliya, Maxamed Ibraahim
Cigaal waxuu ahaa Ra'iisul wasaarihii ugu dambeeyey ee dowlad
soomaaliyeed oo la doorto, waana la xiray, wuxuuna Cigaal Xabsiga
ku jiray ilaa iyo 1981-dii bishii February, marka laga reebo
muddo sanad ka yarayd oo ahayd 1975-tii ilaa iyo 1976-dii, oo
mar loo agacaabay Danjiraha Soomaliya u fadhiya New-Delhi ee
dalka Hindiya, kadibna islamarkiiba xabsiga ayaa lagu celiyey.
1985-tii waxaa jirtay mar loo magacaabay Cigaal guddoomiyaha
Rugta Ganacsiga, laakiin kumuu raagin jagadaasi, ee wuu iska
casilay markiiba.
Burburkii dowladdii Soomaaliya ka dib, Cigaal wuxuu ka qeyb
galay sanadkii 1991-dii, shirkii dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya
ee Jabuuti, 1993-dii bishii May 5-teedii Cigaal waxaa loo doortay
Madaxweynaha Soomaali-land, iyadoo jagadaasi dib hadana loogu
doortay sanadkii 1997-dii.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu todobaadkii hore daweeyn
u tagay dalka Koonfurta Afrika iyadoo ay wehliso marwadiisa
Kaltuun Xaaji Daahir iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ee
Soomaali-Land.
Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal Allaha U Naxariistee, wuxuu guursaday
intii uu noolaa shan dumar ah, wuxuuna dhalay shan caruur ah
oo kala ah sadex wiil iyo laba gabdhood, oo intaba ay u dhashay
Marwo Caasha Saciid Caabi.
|