|
Mogadishu,2da June 2004
By Banadir.com
Tan iyo markii
laga furay magaala madaxda Muqdisho dhawr sano ka hor
Xaruunta Caafimaadka Takhasusiga ah ee Carafaat,waxaa
marag ma-doonta ah in adeegyada caafimaadka ee dadweynuhu
ka helayaan qaybaha kala duwan ee Xaruuntaas inay yihiin
kuwa tayadoodu sareeyso, oo si aad ah loogu diirsaday.Asbaabaha
dhaliyay in waxqabadka Xaruunta noqdo mid si weyn u soo
jiita dadweynaha waxaa keenay jiritaanka maamul si wacan
u agaasima Xaruunta, takhaatiir takhasus gaar ah u leh
daaweynta cudurada kala duwan iyo adeegsiga qalab casri
ee baaritaanka iyo qalliinka oo yaala Cisbitaalka.
 |
Hadaba
waxaanu qormadan ku soo qaadaneynaa Qaybta Keliyaha
iyo Kaadi-mareenka oo uu ka hawlgalo Dr. Cabdullahi
Maxamuud Maxamed (Professore) oo takhasus gaar ah
u leh qalliinka iyo daaweynta cudurada gala Keliyaha
iyo Kaadi-mareenka iyo waxka qabashada dhalmo la'aanta
ku timaada ragga.Dr. Cabdullahi M. Maxamed wuxuu
wax ku soo bartay dalka gudahiisa iyo dibedaba,
wuxuuna ka soo shaqeeyay in muddo ah cisbitaalo
badan oo dalka gudahiisa ah ka hor burburkii dawladii
Maxamed Siyaad Barre.
Dr.
Cabdullahi Maxamuud Maxamed (Professore) |
Dr.
Cabdullahi M. Maxamed oo nagu qaabilay xafiiskiisa bilowgii
bishii tagtay ee May 2004, ayaa si kooban nooga siiyay
warbixin la xiriirta cudurda ku yimaada keliya & Kaadi-mareenka
iyo daaweyntooda iyo waxka qabadka dhalmo la'aanta ragga
(Male Infertility)oo isagu takhasus ku yahay. Wuxuu
kaloo noo sheegay in inkastoo ay jiraan in marar aan badneyn
ay la soo gudboonaato inuu ku sameeyo qaliimo culculus
xaaladaha qaarkood, hadana qalliinada caadiga ah ee uu
si joogta ah u sameeyo bukaanka waxay u kala baxaan sidan
soo socoto :-
1- Open prostatectomy: Waa qalliin furan oo lagu soo saarayo qanjirka Prostaatka, qanjirkaa oo badanaaba celiya kaadida ragga marka ay da' gaaraan.
2- Cystolithotomy: Waa sidoo kale qalliin furan oo kaadi-haysta dhagax looga soo saarayo.
3- Nephrectomy: Waa qalliin kelida aan shaqeyn ee hawlgabta loo soo saaro.
4-Pyelolithotomy: Waa qalliin kelida looga saaro dhagaxa gala.
5- Hydrocelectomy: Qalliin lagu sameeyo xiniinyaha marka ay biyo galaan (waxay dadka badankii ugu yeeraan sheelo).
6-Varicocelectomy: Qalliin loogu tala galay in lagu saxo dhibaatada haysata ragga dhalma la'aanta hayso.
7- Reconstruction of urethral stricture: Qalliin lagu sameeyo kaadi mareenka u dhaxeeyo ibta iyo kaadi-haysta ragga marka uu xirmo oo qofka uu kaadi waayo .
Sida uu xusay Dr.Cabdullahi M. Maxamed(Perfessore),qalliimadan waa kuwa si joogto ah oo caadi ah looga sameeyo Xaruunta Caafimaadka Takhasusiga ah ee Carafaat. Sida dhabtu tahayna, bukaan badan oo dantu ku kalifi lahayd inay dibedda u yimaadaan xaaladaha xaga sare ku xusan ayaa iminka nasiib wanaag ku helay dalka gudihiisa daaweyn tayo leh iyo qiima jaban iyo takhaatiir khibrad iyo takhasus gaar ah u leh cudurada kala duwan ee jira.
Waxaana hadii Eebbe idmo isku dayi doonaa inaanu ku soo qaadano maqaalada xiga waxqabadka takhaatiirta kale ee kala hawl gala Dr. Cabdullahi cisbitaalka khaaska ah ee Carafaat oo ku yaal magaala madaxda Muqdisha.
|