|
Mogadishu,2da June 2004
By Banadir.com
Tan iyo markii laga furay magaala madaxda Muqdisho dhawr sano ka hor Xaruunta Caafimaadka Takhasusiga ah ee Carafaat,waxaa maragma doonta ah in adeegyada caafimaadka ee dadweynuhu ka helayaan qaybaha kala duwan ee Xaruuntaas inay yihiin kuwa tayadoodu sareeyso, oo si aad ah loogu diirsaday.Asbaabaha dhaliyay in waxqabadka Xaruunta noqdo mid soo jiita dadweynaha waxaa keenay jiritaanka maamul si wacan u agaasima Xaruunta, takhaatiir takhasus gaar ah u leh daaweynta cudurada kala duwan iyo adeegsiga qalab casri oo yaala Cisbitaalka.
Hadaba waxaanu qormadan ku soo qaadaneynaa Qaybta Keliyaha iyo Kaadi-mareenka oo uu ka hawlgalo Dr. Cabdullahi Maxamuud Maxamed (Professor) oo takhasus gaar ah u leh qalliinka iyo daaweynta cudurada gala Keliyaha iyo Kaadi-mareenka iyo waxka qabashada dhalmo la'aanta ku timaada ragga.Dr. Cabdullahi M. Maxamed wuxuu wax ku soo bartay dalka gudahiisa iyo dibedaba, wuxuuna ka soo shaqeeyay cisbitaalo badan oo dalka gudahiisa ah ka hor burburkii dawladii Maxamed Siyaad Barre.
Dr. Cabdullahi M. Maxamed oo nagu qaabilay xafiiskiisa bilowgii bishii tagtay ee May 2004, ayaa si kooban nooga siiyay warbixin la xiriirta cudurda ku yimaada keliya & Kaadi-mareenka iyo daaweyntooda iyo waxka qabadka dhalmo la'aanta ragga (Male Infertility)oo isagu takhasus ku yahay.
Wuxuu kaloo noo sheegay in inkastoo ay jiraan in marar aan badneyn ay la soo gudboonaato inuu ku sameeyo qaliimo culculus xaaladaha qaarkood, hadana qalliinada caadiga ah ee uu si joogta ah u sameeyo ay u kala baxaan sidan soo socoto :-
1- Open prostatectomy: Waa qalliin furan oo lagu soo saarayo qanjirka Prostaatka, qanjirkaa oo badanaaba celiya kaadida ragga marka ay da' gaaraan.
2- Cystolithotomy: Waa sidoo kale qalliin furan oo kaadi-haysta dhagax looga soo saarayo.
3- Nephrectomy: Waa qalliin kelida aan shaqeyn ee hawlgabta loo soo saaro.
4-Pyelolithotomy: Waa qalliin kelida looga saaro dhagaxa gala.
5- Hydrocelectomy: Qalliin lagu sameeyo xiniinyaha marka ay biyo galaan (waxay dadka badankii ugu yeeraan sheelo).
6-Varicocelectomy: Qalliin loogu tala galay in lagu saxo dhibaatada haysata ragga dhalma la'aanta hayso.
7- Reconstruction of urethral structure: Qalliin lagu sameeyo kaadi mareenka u
dhaxeeyo ibta iyo kaadi-haysta ragga marka uu xermo oo qofka uu kaadi waayo (surgery
between the tip of the penis and the bladder).
|