|
W.Q. Abdul
Rahman Hariri <xariri@hotmail.com>
Inta la
hadal hayey in ciidamo loo diro soomaaliya waxaa mar walba
la isla soo qaadayey in wadamade afrika ee ka hooseeya saxaraha
ama Afrikada Madow ay ciidamo soomaaliya xasiliya ku yaboohoon,
laakiin marnaba la islama soo qaadin in wadamada Afrikan-Carab
ee aynu diinta iyo dhaqanka wadaagaanaa ay ciidamadooda Soomaaliya
geyaan ama ay ugu yaraan kuwa kale ee afrika ee la geynayo
ku dhafaan.
Hadaba
maadaama aan in badan aan dhulka carabta joogey aana dhegeystey
in badan iyagoo ka faaloonaya arimo badan oo soomaalida khuseeye
bal aan yara taabto sida carbatu Soomalida guud ahaan u arkaan,
aana ku bilaabo Masar oo ah ta carbta ugu weyn aynuna isugu
dhoweyn, beri samaadkii.
Marka
Masar laga hadlayo soomaaliya waa meel faqri diloodey oo marwarlab
gaajo iyo abaaro ka jiraan, indhahooda soomaalidu waa meel
aan majaacada iyo diihaalku ka dhamaan. Waxaana tusaale inoogu
filan filimkii "Yoomiyaat Waniis ee uu wadey fanaanka
weyn ee Masriga ah ee layiraahdo Maxamed Subxi kaasoo arkay
caruur masaari ah oo raashin badan u daadinaysa daayeero meel
beer ah (Zoo) ku xeraysan, markaasuu intuu ku xanaaqay ku
yiri "Caruurtii soomaaliyeedna Gaajay u dhimanayaan idina
daayeeraad cuno siinaysaan"!!!...............
Nin jamaal
Fatxi la yiraaho oo Masri ah oo aanu meel kawada shaqaynayney
ayaa maalin igu yiri waxaa kuu sheegayaa sheeko aad ku qososho,
markaasaan iri haye bal wad - waxuu yiri Soomaaliyaa ayaa
loodiray shixnay Daawo ah oo deg-deg ah laakiin nasiib xumo
soomaalidii way soo celiyeen dawadii - mataqaan waxay u soo
celiyeen, markaasaan iri may, waxaa dawadan la cunaa marka
raashinka la cuno kadib soomaaliduna raashinba ma haystaan....markaa
dawadani anfici mayso.
Intaan
neef weyn dib u ceshadey ayaan iri ma u malaysaa in soomaaliya
ay ku nool yihiin in ka badan 20 million oo Ari ah 10 million
oo Geela, inka badan 8 million oo Lo' ah, ayna soomaaliya
maraan laba webi oo aan go'in, ayna tahay wadanka afrika ee
leh xeebta ugu dheer afrika oo dhan, beeraha iyo macdanta
iyo Bitroolka iyo Gaaska dabiiciga iyo cimilada aan meel loodhigaa
jirin ee ku haboon dalxiiska. Tirada dadka ee Soomaalidu marka
labadiyo waa sagaal milyan.. sidee sagaal milyan oo intaasoo
hantiya lihi ay u gaajoon kartaa?. Adigu waxaad ka timi Masar
oo dadka iyo hantida wadanka leeyahay ay kala bateen, maxaad
u malaynaysaa hadii dowlad la'aantii nasoo martay 15ka sano
ay idinka sanad keliya idin qabsato...lama qiyaasi karo waxaad
samayn lahaydeen!!
Isku soo
duuboo Carabtu waa dada aaminsan kala saraynta iyo is dulaysiga
waxayna jecelyihiin in ay helaan cid tusaale xun u noqota
oo ay ku hal qabsadaan, waxaana mararka qaarkood is iraahdaa
Maxamed Siyaad Bare alle ha u naxariistee dambi uu galay oo
kii Jamaacada Carabta uu inagu daray ka weyn ma jiro.
Dhinaca
kale waxaan dhegaystey dood aqoonyahano Lubnaaniyiin ah loo
qabtay markaasaa mid aqoon yahan sheeganayaa yiri "ma
jirto ummad dunida ku nool oo ogolaan karta in wadankoodu
fowdo iyo dagaal ehliya ku jiro Soomaalina ala haka dhigee"....Micnaha
soomaali cid ka liidataa ma jirto.
Soomaaliyey
waxaynu nahay Afrikaan, waxaynu degenahay geeska afrika, waxaynu
leenahay deris iyo dad aynu ood wadaagnahay, majirto sabab
aynu isugu dhedhejino dad aan ina aqoon oo inoo hasta waxaynaan
ahayn, Carabna waxa keliyee inaga dhexeynayaa ha noqoto diinta....
|