|
DUBAI,2nd March 2003,
By Banadir.com
Xildhibaan Cali Mahdi Maxamed oo ka mid siyaasiinta waaweyn ee beesha Mudulood, kana tirsan Baarlamaanka Dawladda KMG ah ayaa dorraad ku yimid booqasho gaaban oo khaas ah magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta .
Mudane Cali Mahdi Maxamed oo dhawr jeer hore u yimid Imaaraadka , ayaa sida wararku nagu soo gaareen, ay booqashadiisani ay tahay mid la xiriirta baaritaanka caafimaadkiisa . Waxaa kaloo xusid mudan in madaxa Golaha Wasiirada Dawladda KMG ahna Xasan Abshir Faarax, uu isna baaritaan caafimaad u joogo dalka Imaaraadka muddo laba todobaad ah .
|