| Gudoomiyaha
gobolka Banadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane
Maxamuud Xasan Cali Cadde Gaabow ayaa waxa uu ku baaqay
in la joojiyo dagaaladda ka socda Magaaladda Muqdisho,
ka dib shir Jaraa'id uu maanta ku qabtey Magaalada
Muqdisho. |
Mudane
M. Xasan Gaabow
|
Mudane
M. Cadde Gaabow, Gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa
magaalada Muqdisho Shirkaan Jraa'id ee Gudoomiyaha gobolka
Banadir ahna Duqa magaalada uu ku qabtey Hotelka Nabadda
ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu kaga hadlay safaro
uu ku soo bixiyay dalal dhowr ah, isagoo sheegay in kulamo
uu kula soo qaatay wadanka Mareykanka Mayorada 8 gobolka
oo ka tirsan dalkaasi, oo uu sheegay in ay u balan qaadeen
in dib u dhis lagu sameynayo goobaha dagaaladu ay burburiyeen
ee gobolka Banadir.
Mudane
M. Cadda Gaabow ayaa soo hadal qaaday dagaalada ka soo
cusboonaaday magaalada Muqdisho, isagoo ugu baaqay qeybha
dagaalka uu u dhexeeyo in dagaalka ay joojiyaan, isla
markaana ay ka shaqeeyaan nabadda iyo badabaadinta umadda,
waxaa kale uu ka dhawaajiyay in loo baahan yahay wada
shaqeyn balaaran loo muujiyo midowga maxkamadaha islaamiga,
maadaama uu sheegay in ay yihiin kuwo door muhiim ah ka
qaatay sugida nabadgalyada.
Mudane
M. Cadde Gaabow ayaa dhinacyada dagaalamaya ku booriyay
in si deg deg ah dagaalka loo hakiyo, isla markaana waxii
khilaaf ah lagu dhameeyo wada hadal, isagoo ka codsaday
waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada
in ay u istaagaan joojinta colaadaasi, waxaana uu tilmaamay
in kulamo uu la qaadan doono qeybaha kala duwan ee Bulshada.