|
Muqdisho,21st June 2005
By Banadir.Com
Gudoomiyaha gobolka Banaadir, isla markaana ah Duqa magaala madaxda Muqdisho, Maxamuud Xasan Cali (Cadde) ayaa dorraad ka soo degey garoonka diyaaradaha Ciseleey .
Guddoomiyaha iyo xubna kale oo ku jira Baarlamaanka Federaaliga ah, waxaa garoonka dayaaradaha ku soo dhoweeyay dadweyne aad u tiri badan oo uu hor kacayay Xaaji Caaqil Koogaar oo ka tirsan madax dhaqameedka bulshada magaalada Muqdisha .
Waxaa kale oo lagu wadaa inuu Duqa Magaalada Muqdisha Cadde Xasan Cali Gaaboow ku dhaqaaqo maalmahan dhismaha maamulka gobolka Banadir, isagoo isla markaana laga filayo inuu dhismaha maamulka gobolka kadib, booqdo dhawr dal oo khaliijka Carbta ku yaala, uguna horreysa dalka Imaaradka.
|