|
banadir.com
Raiisal Wasaaraha Xukuumadda Federaliga ah ee Jamhuuriyadda Somalia Mudane Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta si rasmi ah ugu magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Maxamud Xasan Cali (Cadde).
Raiisal Wasaare Geedi oo ku wali ku sugan booqashiisi uu ku marayay wadanka Libiya ayaa ku sheegay xilkan loo magacaabay Mudane Cadde Xasan Cali warqad official oo ka soo baxday Xafiiska Raiisal Wasaaraha.
Mudane Cadde Xasan Cali oo ah shaqsi caan ku ahaa degaanka Gobolka Banadir, gaar ahaan bahda sportiga ayaa loo arkaa mid Raiisal Wasaare Geedi uu u magacaabay xil adag Mudane Cadde Xasan Cali oo u baahan xilkasnimo iyo dadaal.
|