|
Sharm El Sheikh, 28th February 2003,
By Banadir.com
Madaxa Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Cabdiqassim Salaad Xasan iyo wefdigii uu hogaaminayay ayaa maanta galinka danbe gaaray magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar , si uu uga qaybgalo shirka aan caadiga ahayn ee madaxda dalalka ku jira Jaamicadda Carabta oo berrito oo Sabti ah (1da Maarso 2003 ) ka furmi doona magaaladaas .
Mudane Cabdiqassim Salaad Xasan iyo wefdigiisa waxaa ay xalay ku hakadeen magaalada Dubai , halkaas oo ay isku arkeen Ra’iisul Wasaare Xasan Abshir Faarax oo beryahanba booqasho gaar ah oo la xiriirta caafimaadkiisa ku joogay dalka Imaaraadka . Waana markii ugu horreysay ee kulan dhexmaro Cabdiqassim iyo Xasan Abshir tan iyo bilowgii bishii Oktoobar ee sanadkii tagay ee 2002 , markaas oo uu Xasan Abshir u yimid ka qaybgalka shirkii nabad raadinta Soomaalida ee lagu qabtay magaalada Eldoret ee dalka Kenya . Ilaa iyo waqtigaana kuma aysan laaban Ra’iisul Wasaare Xasan Abshir iyo Guddoomiye Cabdalla Deerow Isaaq dalka gudihiisa .
Cabdiqassim Salaad Xasan waxa uu dalka Malaysia kaga soo qayb galay shirweynihii 13aad ee madaxda dalalka dhexdhexaadka ah oo habeen hore lagu soo gunaanaday magaalada Kuala Lampur , waxaana wefdigiisa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda KMG ah Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg) iyo Wasiirka Maaliyadda Xuseen Maxamuud Sheikh . Wuxuu kaloo booqasho saddex cisho ah ku tagay dalka Qadar intaan shirka Malaysia bilaaban .
|