|
Muqdisho,23ka April 2004
By Banadir.com
Soomaali badan oo dhowaan ka soo gashay dalka Liibiya ayaa cabaareyn culus u soo jeediyay Sii-Hayaha Safaaradda iyo xubnaha kale ee ka hawl gala ergada Soomaalida ku leedahay Caasimada dalka Liibiya ee Tripoli.
Dadka oo Liibiya u tagay inay uga tahriibaan dalka Talyaaniga iyo wadamo ka tirsan Yurubta Galbeed ayaa cabashadoou ahayd mid ku saleysan Safaradda oo aan haba yaraatee iska saarin wax xil ah arrimahooda, iyagoo ku xidhan xabsiyo kala duwan oo ku yaala dalka Liibiya, looguna geystay falal jirdil ah iyo nafaqo darro.Tiro aad u badan oo dadkaa tahriibaya ayaa iyana ku xanuunsaday jeelasha dalka Liibiya.
Waxay dadkan ku eedeeyeen Safaaraddu inaysan haba yaraatee isku taxalujin ka warqabkooda iyo haday u baahan yihiin in la siiyo dokumenti lagu dhoofo (Travel Documents).Qaar badanna, waxayba sheegeen in markay isku dayeen inay la xidhiidhaan Safaaradda, in si cadaan ah loo weydiiyo beelaha ay ka soo jeedaan, ama lagu qasbo inay bixiyaan kharshyo xad-dhaaf ah oo aysan awood u lahayn.
Dhanka kale,Wasiirka Warfaafinta ee DKMG ah Injineer Madaxeey oo ka hadlay soo laabashada dadka iyo cabasho ay u soo gudbiyeen ee ka dhanka ah dawladda Liibiya iyo maamulka Safaradda Soomaalida ee Tripoli, ayuu sheegay in safaaradda ay kala xiriirayaan arrinkan, baaritaanna lagu sameyn doono.
Sida laga warqabo, kaalinta Wasiirka Arr. Dibedda ee dawladda kmg ah Yusuf Xasan Ibrahim(Yusuf Dheeg)iyo madaxda kale ee Wasaaradda ku lahaayeen maareynta shaqada Safaaradaha iyo qunsuliyadaha Soomaalida ee dibedda ku sugan ayaa cad inay meesha ka baxday,waayo wuxuu Mudane Yuusuf Dheeg in muddo ahba ku sugnaa dalka Liibiya oo ah halka dadkan Soomaalida ah ay dandarrada ka soo gaartay .
Waxaa kaloo jira xusidna mudan in sidoo kale laga bixiyay gacantiisa mas'uuliyadda shaqada qunsuliyadda Soomaalida ku leedahay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka, markii Cabdiqassim Salaad u magacaabay bartamihii bishii tagtay guddi ka kooban laba Wasiir xallinta dhibaata ka taagan qunsulka Maxamed Yarow iyo Ku-Xigeenkiisa Cabdinaasir Axmed Adan (Serjito) .
|