|
Markii
dawladdii ku meel gaarka ahayd la dhisay, oo la magacaabey
wasiirada xilka qabanaya, dadka intiisa badan ee siyaasadda
waddanka xiisaynayey, horeyba waxay ka fiirinayeen listiga
qolo hebel malagu darey mise laguma darin. Aniga iyo dhamaan
saaxiibadey oo dumar u badan waxaa naga fajac galiyey 23kii
qof ee loo doortey inay hogaamiyaan dawladda cusub inaan qof
dumar ah ilaa iyo hadda la magacaabin.
Taas waxaan
u aragnaa,
1. Meel
ka dhac looga dhacay dumarka Somaliyeed oo halganka dheer
u soo galay siday waddanka u badbaadin lahaayeen. Aqoon iyo
waayo aragnimana maanta aan kaga liidan inta ruux ee wasiirnimada
loo magacaabey.
2. Waan
fahmi karaa oo qabiil gabar soo dooranaya ama hana matasho
oranaya inay adag tahay ama aanay suurto galba ahayn, welina
Somalidu aysan gaarin heerkaas ku salaysan xaqa.
Waxaanse
is lahaa, maadaama arrintaas lawada ogyahay, oo ay noqotey
midda kaliya ee hor istaagi karta gabar Somaliyeed oo xubin
sare ka qabata xilka loo qaybsadey dib u dhiska waddanka,
haddana aqoon yahanada ama aan iraahdo wax garadka meesha
isugu tagey oo intooda badani yaqaanaan doorka dumarka ka
qaadan karaan dib u dhiska waddanka iyo horumarintiisaba,
inaysan soo hadal qaadin dumarka xilkooda waa wax aan loo
dul qaadan karin, loona dul qaadan doonin ficilka noocaas
oo kale ah.
Waxaa
kaloo bahdilid dumarka Somaliyeed ugu filan xataa wasaaraddii
horumarinta dumarka in lagu daro wasaaradaha waa la halmaamey,
oo adduunka maanta dawlad aan lahayni aysan jirin. Mar baan
is iri, ragga Somaliyeed inay hadlaan bay jecel yihiin, hawshana
loo qabte eh, armey wasiiro ku xigeeno u magacaabaan gabdho
badan.
Halkaas
oo hawsha inteeda badan ay dumarka qabanayaan, magaca iyo
abaal marintana (credit) uu wasiirku qaato. Hanqaraarac lug
uma dhutiyo weeye xubnaha ragga la siiyey eh, kuna filan kana
badan eh, waa godob haddaan labada jago ee hadhey aan dumar
la siin, oo aan xaalmarina loogu darin. Waa wax ay xaq u leeyihiin,
mudan yihiin, inay safka hore ka galaan halganka Somali loogu
wada jiro gudaha iyo dibadaba. Aawey hadalkii Madaxweynaha
Dr Abdiqassin Salaad sida cad oo qadarinta mudan uga yiri
kolkii uu joogey New York " Waad arki doontaan gabdho badan
oo wasiiro ah, ambasadooro ah, oo xubno sare ka qabta dawladan
cusub, waxaa uu sii raaciyey cidd, sharci ama diin u diideysaana
ma jirto...isagoo soo xigtey qisooyin ku saabsan dumarka muslimka
ah ee adduunka ku nool iyo xilka ay ka soo qaadeen dawladahood".
Gunaanadkeyguna
waa , xaqa Allaha idin waafajiyo, "Caano daateyna waa la dabo
qabtaa".
Nabaadiino.
Ebyan
Salah ,Canada
|