|
Warar
xogogaal ah oo aan ka helnay magaalada boosaaso ayaa sheegaaya
in magaalada ilaa saaka uu dagaal ka socday ka dib markii
ciidamo uu wato Madaxwaynihii hore ee Dowlad Goboleedka Puntland
Mr. Abdullahi Yusuf uu weerar dhinaca Airporka ku soo qaaday.
Wararku
waxay intaas ku dareen in in ka yar muddo labo saacadood ah
uu ciidankii Abdulaahi Yusuf Qabsaday Air-porkii ka dib markii
halkaas dagaal aad u qaraari ku dhex maray ciidamadii halkaas
joogay.
Inkastoo
uu weli dagaalku socdo, haddana waxaa la hubin in Dekedii
Magaalada Boosaaso ay gacanta u gashay Ciidamadii Abdulahu
Yusuf iyo in kale .
Waxaase
wararku sheegayaan in Agagaarka dekeda iyo bartamaha magaaladuba
ay dagaaladu gaaareen.
|