Wafdigii
uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DKG,Mudane
Daahir Mohamed Sheikh, ooberyahaan booqashada ku joogay
dalka Mareeykanka ayaa maanta shir ku qabtayhotelka weyn
ee Doubletree oo ku yaalmeesha loo yaqaan Tysons Corner
oo kutaal gobolka Virginia.
Waxaa
shirkaaskasoo qayb galay qaar ka mid ah jaalliyadda Soomaaliyeed
ee deggan Mareeykanka. Wasiirku wuxuu warbixin faafaahsan
ka bixiyayxaaladda iyo arrimaha ku saabsan Soomaaliya iyo
DKG ee uu ka tirsan yahay.
Wasiirku
waxaa uu si furfurnaan iyo kalsooni weyni ka muuqato uga
hadlay arrimaha hadda ka jira Soomaliyaiyo doowrka DKG ka
qaadaneyso.
Waxaanauu
Wasiirku , Mudane Daahir Dayax si deggan uga jawaabay su’aalo
fara badan ooqaarkood ay ka muuqatay faduul iyo far isku
fiiq. Waxaa munaasabaddaas hadal taageero iyo dhiirrigelin
leh kasoo jeediyay Ambassador Cali Xaaji Xaashi oo ka mid
ah jaaliyaddahalkan ku nool.
Waxaa
kale oo hadaldhaliil iyo eed ka muuqato ka soo jeediyay
nin isagu u hadlayay mucaaradka oomagaciisa la yiraado Keenidiid
Khaawe oo ka mid ah Soomaalida ku nool gobolkaVirginia.