|
D'Jibouti,12th July 2001
Warar
naga soo gaaray maanta magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in
Madaweynaha Dawladda KMG ah Cabdi-qassim Salaad Xasan laga
yaabo inuu booqdo dhowaan dhawr dal oo ka mid ah dalalka ku
bahoobay Ururka Iskaashiga khaliijka ee (GCC), isagoo marka
hore ku hormari doona sida la sheegay dalka Isutagga Imaaraadka
Carabta, kadibna dalalka Kuwait iyo Boqortooyada Sacuudi Caraabiya
.
Waxaana
shaki ku jirin madaxda dalalkaa uu booqanayo inuu ku soo qaadi
doono siyaabihii dhan walba looga taakuleyn lahaa Dawladda
KMG ah, gaar ahaana dhinacyada dhaqaalaha,ganacsiga iyo siyaasadda,
iyadoo la wada ogsoon yahay in Shirkii aan caadiga ahayn ee
Madaxweynayaasha Qaaradda Afrika ku yeesheen dhowaan dalka
Zambia uu si buuxda u aqoonsaday Dawladda KMG ah ee Soomaaliyeed
ee Cabi-Qassim madaxda ka yahay, iyagoo taageeray tallaabooyinka
Xukuumadda KMG ah ee la xiriirta in si nabad ah lagu xalliyo
khilaafaadka jira iyo barnaamijka dib-u-dhiska dalka oo u
baahan adduun xoog leh taabagalkiisa .
Waxaa
kaloo xusid mudan hadalkii kululaa ee uu Madaxweynaha Kenya
Danial Arab Moi u jeediyay Hogaamiye Kooxeedyada Soomaaliyeed
dorraad (10th July) markii uu ka dagay garoonka Dayaaradaha
ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, isagoo sheegay in tobankii
sano ee na soo dhaaftay ay hadba meel u cararayeen, ayagoon
waxba soo kordhin , sidaas awgeedna uu ka mamnuucayo dalkiisa
inay soo galaan Hogaamiya Kooxeedyadaas. Waxaana warka Madaxweyne
Danial Arab Moi qoray Jariidada Daily Nation ee ka soo baxda
dalka Kenya .
Hadaba isagoo xambaarsan guushaas dhanka moraalka ah ee uu
ka soo hooyay magaalada Lusaka iyo eedeyntii Danial Arab Moi
u jeediyay Hogaamiye Kooxeedyada iyo weliba heshiiskii dhowaan
ku dhexmaray Adis-Ababa wefdiyo ka socda Xukuumadaha labada
dal ee Somalia iyo Ethiopia, ayaa la filayaa inuu Madaxweyne
Cabdi-Qassim Salaad Xasan kula yeesho madaxda dalalka khaliijka
ee uu booqanoyo wadahadallo qiima weyn oo la xiriira taakuleynta
dhaqaalaha iyo dhanka siyaasadda ee Dawladda KMG ah ee Soomaaliya.
Waxaana
lagu wadaa inay u soo raaci doonaan booqashadan xubnihii hore
ula socday ee ka tirsanaa wefdigiisa oo uu ka mid yahay Wasiirka
Macdanta iyo Biyaha Xasan Abshir Faarax iyo Wasiiru-Dawlaha
Arrimaha Dibedda Burci Maxamed Xamza iyo madax kale .
|