|
Kuwait City, 17th March 2003,
By Banadir.com
Wefdigii uu hogaaminayay madaxa Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Cabdiqassim Salaad Xasan oo beryahanba booqasho ku joogay dalka Kuwait, ayaa shalay galab ku qaabilay hoolka weyn ee Qasriga uu dagan yahay ee Al-Mushrif xubnaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas. Cabdiqassim oo xafladaa hadal gaaban oo la xiriira xaaladda murugsan ee dhinacyada siyaasadda,dhaqaalaha, bulshada iyo amniga ee uu ku sugan yahay dalka Soomaalida ka siiyay Jaaliyadda, ayaa waxaa halkaa ku soo dhoweeyay Mudane Cabdiqassim Danjiraha Soomaalida ee fadhiya Kuwait Cabdulqaadir Amiin Sheikh oo munaasabada qaabiladda jaaliyadda goob joog ka ahaa.
Waxaa kaloo isla shalay Cabdiqassim booqasho sharaf ugu yimid aqalkiisa Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Kuwait Mudane Axmed Baaqir , iyadoo sidoo kalena uu Mudane Cabdiqassim kulamo kala gooni gooni ah uu habeen hore kula yeeshay madaxda Ururada samafalka ee ka jira dalka Kuwait , si ay taageero bani’aadanimo ah ugu fidiyaan shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan .
Wefdiga Cabdiqassim waxaa shalay qado sharaf weyn u sameeyay Ku-Xigeenka Koowaad ee Ra’iisul Wasaaraha, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kuwait Sheikh Sabaax Al-Axmed Al-Jaabir Al-Sabaax, isagoo masilaya Amiirka xukuma dalka.
Waxaana qada sharafta dhinaca Kuwait ka soo qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ku-Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Arrimaha Gudaha,Madaxa Diiwaanka Amiirka, Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee baadigoobta maxaabiista (POW) ku maqan Ciraaq,Taliya-Xigeenka Ciidanka Qalabka Sida ee Kuwait, Wasiira Dawlo, Barasaabyo iyo saraakiil sar-sare oo ka tirsan Ciidanka Boliiska .
Dhinaca wefdiga Soomaalidana, waxaa ka soo qaybgalay qada sharaftaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda KMG ah, Wasiirka Maliyadda, Madaxa Protocolka Madaxtooyada, Danjiraha Soomaaliya ee fadhiya Kuwait iyo Sii-Hayaha Safaaradda Soomaalida ay ku leedahay Tripoli, iyo Xoghaynta gaarka ah ee Madaxweyne Cabdiqassim Salaad Xasan .
|