|
Muqdisho,25ka December 2005
By Banadir.com
Dagaal keenay dhimasho iyo dhaawac badan ayaa ka dhacay degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisha dorraad, dagaalkaas waxaa ka danbeeyay maleeshiyo beeleed oo ku loolamayay gacan ku-haynta degmadaas.
Dadka waxyeelada dhimashada iyo dhaawaca leh ka soo gaaray dagaalkaas sokeeya, waxay dhamaantood ahaayaan shicib rayid ah oo aan wax shaqa ah ku lahayn iska hor-imaadkan.
Ilaa iyo iminka lama joojin dagaalkan , mana jirto wax dadaal ah oo ay odayaasha beelahaas ugu jiraan qaboojinta dagaalkan , taas oo ah nasiibdarro weyn , gaar ahaan marka la tixgeliyo, oo la xusuusto, kaftan uu dhowaan Cabdullaahi Yuusuf u soo jeediyay beelaha Hawiye, kaas uu ugu caqli-celinayo sida ay lama huraan u tahay in la xaqdhowro , lana badbaadiyo dadka rayidka ah , hadiiba ay dhacdo inay dhexdooda ka dagaalamaan.
|