|
Muqdisho,9/9/2011
By Banadir.com
Wefdi ka socda dalka Imaaraadka, gaar ahaana Ururka Bisha Cas ee Dalkaas, ayaa maanta duhurnimadii ka soo dagay garoonka dayaaradaha ee magaalada Muqdisho .
Wefdigu wuxuu u socdaa inuu soo indha-indheeyo hawlaha gurmadka ee dalka Imaaraadku ka wado koonfurta Soomaaliya iyo agagaarka magaala madaxda Muqdisho, ayagoo u-sii maraya maktabka ay Ururka ku leeyihiin magaalada.
Waxaa kaloo xusid mudan inuu jiro markab ka socda dalka Imaaraadka oo sida raashin kala duwan oo dhowaan imaan doono dekedda Muqdisho.
|