|
Mogadishu,10ka Janaayo 2002
By Banadir.com
Dagaalkii ka bilowday shalay galab deegaanka Bermuuda ee magaalada Muqdisho ayaa weli ka socda halkaas , waxaana ku naf waayay lix qof iyadoo ay ku dhaawacmeen sagaal kale .
Wuxuu kaloo iska hor-imaadkan oo ka dhexeeya maleeshiya isku beel ah sababay qax ku yimid dadka degan degmadan .
Wararka naga soo gaarayo qaar ka tirsan odoyaasha beesha deegaankaas ayaa noo xaqiijiyay inuusan dagaalkan la xiriirin haba yaraatee wax siyaasad ah , balse xiisaddu ay tahay mid ku qotonto aana hore oo beeshan dhex tiilay .
Rag mas’uuliin ah oo ka yimid Waqooyiga Muqdisho saaka , una socday heshiisiinta labada dhinac ee isku haya degaanka
Bermuuda ayaa nasiibdarro ku guuleysan waayay maanta waanwaantooda , waxaase laga filayaa inay sidoo kale berrito oo Sabti ah ( 11/01/2003) sii wadaan heshiisiinta labadan garab , si loo af-jaro dagaalkan geystay dhimashashada, dhaawaca iyo qaxa badan .
|