|
Warar
aan ka helney Odayaasha iyo wax garadka ka tirsan beesha baraawe
ayaa todobaadkan ku shiray degmada Buur-hakaba, waxay ka hadleen
dhibaatooyinka aan joogsiga laheyn oo lagu haayo Baraawe dhibaatooyinkaas
oo ay mas'uul ka yihiin shaqsiyaad isku sheegaya iney maamulaan
deegaanka Baraawe oo kala ah abdulaahi xallane iyo Siid cali,
oo katirsan beesha Habargidir,ceyr, oo iyaga awood ku haytey
tan iyo intii ay burburtay dowladii hore ee soomaaliya.
Dhibaatooyinkaas
oo ay ka hadleen iyagoo aad uga xun waxa ka mid ah in kabadan
60 doonyood oo ay leeyihiin beesha ceyr ay tan iyo hada ka
kaluumeystaan Baraawe, kalluumeysigaas oo uu ka soo galo qarash
ama dakhli xoogleh, halka dadka degaanka ee u dhashay Baraawe
ay ku nool yihiin nolol aad sabool u ah oo adag, loomana ogola
in ay ku yeeshaan wax doon ah waxaa u sii dheer in laga qaado
canshuur xad dhaaf ah.
Dhibaatada
kale aadka u foosha xun ayaa waxaa ka mid ah in ay xaalufin
lagu hayo degaankaas lagana dhoofinaayo Dhuxusha isla Baraawe,
aydoo lagu soo daad gureynaayo Baabuurta loo yaqaano Isjiidka
ilaa Kontomeeyo Gaari, laguna keydinaayo Xeebta Baraawe, aydoo
lala sugaayo Markab, si loogu dhoofiyo wadamada Imaaraadka
Carabta, horey ayey Odoyaasha dhowr jeer uga dacwoodeen cid
ka hadleysa ma jirto kuwa isku sheegaya iney yihiin Wadaado
oo xoog ku heysta Deegaanka Digil/Mirifle, iyo Abdiqaasin
oo sheeganaayo Dowlad, iyo kuwa haysta Baraawe, raali ayey
isaga yihiin in dadkaas aan xaqooda la siin oo dhibaatada
ku jira.
Odeyaasha
waxay aduun weynaha ka codsanayaan in si deg deg ah wax loogu
qabto sida Dowlada Imaaraatka carabta oo iyadu ku takri fasho
dhuxusha laga keeno Baraawe, iyo degaano ka mid ah Soomaaliya
oo loogu keeno si sharci daro ah odayasha waxay kaloo ka codsdeen
in Hayadaha Dowliga iyo kuwa aan Dowliga ahaynba ay cabaareeyaan
Dowladaha sida sharci darada kaga iib sanaya Dhuxusha, kuwa
dhiigyi cabka ah oo masaakiinta xaqooda cunaya.
|