|
Nairobi, 19th September 2003,
By Banadir.com
War lagu kalsoon yahay oo aanu xalay ka helnay madasha shirka nabadeynta Soomaalida ee magaalada Nairobi, ayaa xaqiijiyay in wakiilada beesha caalamka ee ku sugan dalka
Kenya ay u soo jeediyeen kulanka Mbagathi tallooyin wax ku ool ah , taas oo looga dan leeyahay sidii uu shirku u noqon lahaa mid lagu guuleysto, oo go’aanadiisu ay u ahaadaan aas-aaska xukuumad loo dhan yahay oo Soomaalidu isaga raali tahay .
Waxay wakiiladu qoraalkooda ku caddeeyeen in ansaxinta Axdig-Qarameedku uu yahay horumar weyn , hase ahaatee aan loo dhameyn , loona baahan yahay in dib loogu soo celiyo hogaamiyaasha ka maqan shirka, gaar ahaana Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, Cabdiqassim Salaad Xasan iyo G/Sare Barre Hiiraale iyo qaar kale.
Waxay kaloo wakiiladu eed kulul dusha ka saareen guddiga IGAD ee qaabilsanaa habsami u-socodka shirka nabadeynta , kaas oo si weyn ugu guuldareystay inay maareeyaan khilaafka u dhexeeyay hogaamiyayaasha Soomaalida, iyagoo isla markaana u soo jeediayay xubnaha IGAD inay shir degdeg ah oo heer wasiiro dibadeed ah ka yeeshaan arrinkan, si shirku u noqdo mid mira dhaliya, oo aan fashilmin , dibna loo celin .
Ugu danbeyn waxay wakiilada beesha caalamka ee fadhiya Caasimada Kenya ee Nairobi,si gaar ahna u qaabilsan la-socodka shirka nabadeynta Soomaalida, ku soo gebgebeeyeen qoraalkooda inay taageerayaan wax allaale wixii go’aan ah ee Soomaalidu u dhan tahay .
|