|
SCI Somali-Canadian
Council (SCI SCC) ama Golaha Soomaalida Kanada.
Waxaa
dhammaan dadweynaha Soomaliyeed ee deggen Ottawa iyo guud
ahaan dalkan Kanada la Ogeysiinayaa in la qaban doono bannaanbax
ballaaran oo ka dhici doono magaaladan Ottawa.
Taariikhda
uu dhacayo Bannaanbaxa waa: Feberaayo 4, 2001 oo ah AXAD.
Saacadda uu dhacayana waa: 2:00 pm ee galabnimo.
Meesha
ama goobta la isugu imanayo waa: Baarlamaanka Kanada hortiisa.
Ka dibna waxaa loo socon doonaa oo la hor istaagi doonaa Safaaradda
Itoobiya oo ku taalla Slater Street iyo Metcalf Street halka
ay iska gooyaan.
Dhammaan
dadweynaha Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa in ay ka soo
qaybgalaan bannaanbaxan oo ah mid aynu ku difaaceyno qaranka
Soomaaliyeed.
Wixii
su'aal ah ama faahfaahin ah fadlan la soo xariir Wali oo aad
kala soo xariiri kartiin emailkan hoos ku qoran. wafarah@home.com
Mahadsanidiin.
|