|
Dubai, 4th January 2002
Report by Banadir.com
Warar xog-ogaal ah oo aanu ka helnay maanta caasimadda Imaaraadka ee Abu-Dhabi ayaa xaqiijinaya in olole shaqo-joojin ah oo ballaadhan ay ku dhaqaaqday dhowaan Baladiyada Abu-Dhabi ( Municipality ) .
Olalahaas oo shaqada looga joojinayo shaqaale aad u tira badan oo ka shaqeynaya qaybaha kala duwan oo ay ka kooban tahay Baladiyada ,
Waxuu daba joogaa barnaamijyo sanooyinka danbe ay Imaaraadku wadeen oo lagu shaqaaleynayo muwaadiniin-tooda .
Hadaba xubnaha jaaliyadda Soomaalida ee ka xoogsada dalka Imaaraadka , una badan darawaliin iyo farsamo-yaqaano baabuur ayaa ah kuwa ay sida xoogga leh u taabatay tafniishkan . Waana kuwa ka shaqeeya qaybaha muhiimka ah ee Is-gaarsiinta ee basaska kaxeeya iyo kuwa ka shaqeeya Hoosada weyn ee Baladiyada ( Garage) . waxaa jira iyana Soomaali aan badneyn oo ka xoogsata qaybaha kale ee fayo-dhowrka caafimaadka iyo daryeelka beeraha oo iyana shaqada laga joojiyay .
Hadaba iyadoo ay jiraan jinsiyado kaga badan Soomaalida shaqada Baladiyada , ayaa hadana tafniishkan uu saameyn xoog leh ku yeeshay xubnaha jaaliyadda Soomaalida , waayo iyagoo marka horeba ay u badan yihiin Soomaalidu dad haya xaasas culculus, oo qaarkood lagu leeyahay deymo kala duwan , maadaama sanooyinkan danbe dalka laga dhigay waxbarshada caruurta iyo caafimaadka xaasaska lacag , kharashka nolol maalmeedkana uu ahaa mid aad u sareeya, marka la barbardhigo maciishadaha dalalka la jaarka ah , oo uu Sacuudigu ugu horeeyo.
Waxaa kaloo xusid mudan dhibaatada la xiriirta caruurta ku jirta Dugsiyada oo aan u dhamaan sanad-Dugsiyeedka waxbarasho , oo ay qasab ku tahay inay ka tagaan dugsiyadooda , mar hadii waalidkood shaqada laga joojiyay , dalkana laga saarayo . Mushkiladda kale ee hor taagan jaaliyadda Soomaalidu waa iyagoo ku yar inta badan kuwa loo ogol yahay inay ku wareegaan shaqooyin kale , sida Xisaabiyayaasha
Sarsare, Injineerada,iwl.
Inkastoo ilaa iyo iminka aan la hayn tiro sugan oo la xidhiidha tafniishkan, oo meelaha qaarkood laga sheegayo inay tirada Soomalida ee shaqada laga saaray gaarayaan ilaa iyo 300 oo qof, waxaa kolleyba lama huraan ah in la xusuusto xaaladda
Dhabta ee amni iyo ta maciishadeed ee dalka Soomaalida uu ku sugan yahay, taas oo noqoneysa halka ay inta badan xaasasku tagayaan.
Gobolada Waqooyi oo uu ka jira maamulka Somaliland , waxaa uu si aad ah u dhaamaa Gobolada Koonfureed oo ay ka jirto amni-la’aan daran.Waxay kaloo ay Soomaliland kaga fiican tahay dalka intiisa kale
Waa fursadaha shaqa iyo ganacsi ee ka jira halkaa oo badan . Gobolka Waqooyi-Bari ee Puntlandna ,waxaa iminka ka jira xiisad dagaal oo ba’an , taasna u saamixi mayso xubnaha jaaliyadda ee ka soo jeeda gobolkaa inay tagaan waqtigan meeshaa .
Sidaas awgeed ayeey shaqo joojintan saameyn weyn ugu yeelatay xubnaha jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Imaaraadka oo qarkoodna xaasakooda ka sokow, si joogta ah u biili jiray xigtadooda iyo qaraabadooda kale ee ku nool dalka Soomaalida .
|