|
Mogadishu,9th April 2004
By Banadir.com
Waxaa waayadan danbe si aad ah u soo kordhay dhibaatada ay dadka Soomaalidu ku qabaan isticmaalka baasaboorada Soomaalida, taas oo sababteeduna ay tahay dawlad la'aanta ka jirta dalka oo keentay in dadka badankiisa ay ka soo iibsadaan baasabooro suuqyada magaalooyinka ay joogaan .Todobaadyadii ina soo dhaafay waxaa madaarada Dubai iyo Shariqa laga celiyay dad badan oo sita baasabooro been abuur ah, oo qaarkood aan la oran karin waa baasaboor lagu safro.
Dadka laga celiyay madaarka Dubai waxay inta badan siteen baasabooro la soo dhaqay,oo ay hore u isticmaali jireen dad kale.Waana arrin murugo leh oo ayaandarro ah in dadkaasi ay kala kulmaan madaarada Imaaraadka sharaf-dhac,waqtigii oo ka luma iyo khasaare xaga tigidhada ah intaba.Sida ay wararku sheegayaanna, ma jirto duulimaad yimaada Imaaraadka oo aan laga celin dad lagu helay inay sitaan baasabooro aan hagaagsanayn oo la been-abuuray, iyadoo misana u dheer tahay daahirad keentay in laga shakiyo oo lagu jaha-wareero baasaboorka laga bixiyo Safaaradda Abu Dhabi iyo Qunsulliyadda Dubai oo kala duwan.
Wuxuuna arrinku ku yimid in Qunsulliyadda Soomaalida ee Dubai oo bilahanba uu ka jiray muran iyo gacan-ka-hadal xoog leh oo u dhexeeyay Qunsulka Maxamed Yarow iyo Ku-Xigeenadiisa, ay in muddo ah ku bilowday baasaboorada Soomaalida warqad lagu dhejiyo (sticker), taas oo khilaafsan nidaamkii iyo muuqaalkii uu lahaan jiray baasaboorka Soomaaliyeed.Dhamaan Safaaradaha Soomaaliyeed ee ka furan aduunweynaha, oo ay ku jirto Safaaradda Soomalidu ku leedahay Abu Dhabi, waxay raacaan nidaamkii hore ee lagu yaqiin baasaboorka Soomaaliyeed, kaas oo u muuqda inuu yahay ka saxa ah.
Hadii uu arrinku sidaa yahay,waa maxay hadaba sababta keentay in madaxda Safaaradda Soomaalida ku leedahay Abu Dhabi ay uga aamusaan, una joojin waayaan dhaqanka cusub ee Qunsulliyadda ku bilowday Baasaboorka Soomaaliyeed, kaas oo dhabtii u keenay jaha-wareer dadweynaha badan iyo mas'uulinta Imaaraadka qaarkood ?
Mar aanu wax ka weydiinay mowduucan Mudane Ibrahim Xuseen oo mar ka shaqeyn jiray Waaxdii Socdaalka Soomaaliyeed ee Maamulkii Maxamed Siyaad Barre, wuxuu inoo sheegay in marka Dawladi wax ka bedeleyso qaabka iyo muuqaalka baasaboorkeeda, waxaa jira nidaam iyo hab loo raaco, kaa oo ah in Wasaaradeeda Arrimaha Dibedda ee dalkaa ay gaarsiiso macluumaadkaa Safaaradaheeda ku sugan dalalka dibedda ah, kuwaa oo iyana la xidhiidha Dawladaha ay la joogaan, una sheega hadba wixii laga bedelay ama ku soo kordhay baasaboorka.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa marag ma doonto ah in waqtiyadan danbe, oo dadka sidiisa kale dhaqaale ahaan isaga dhibaateysnaa, inay hadana kala kulmayaan khasaarooyin culus baasaboorada ay ku soo safrayaan, taana waxaa u sabab ah iyadoo aaney haba yaraatee ka jirin dalka dawlad hubisa tayada iyo sharciga baasaboorka, waana ayaandarro weyn oo ku soo korodhay soomaaliweyn, waayo dawladaha reer galbeedka iyo dalalka kale ee adduunka hore ayeey uga gaashaanteen arrinkan markay kala noqdeen aqoonsigii iyo ictiraafkii baasaboorka Soomaalida. Waxaana dalalkaa ugu danbeeyay dalka Boqortooyada Ingiriiska oo iminka viisada ku bixiya warqad gooni ka ah Baasaboorka.
Hadii adduunka Carabta, gaar ahaana dawladah khaliijka ee sida gaarka ah gacan-saarka ula leh dalkeena ku soo biiraan dalalkaa reer galbeedka ah ee hore noo diiday,waxaa xaqiiqa ah inuu ku noqon doono shacabka soomaaliyeed guuldarro weyn oo aanu sinnaba uga soo kabsan.Marka waxaa haboon inta goori goor tahay in arrinkaa si weyn looga taxadiro oo shirkadaha dayaaradaha ee soo qaadaya dadka Soomaliya ay ka taxadiraan arrinka la xidhiidha sharci-ahaanta baasaboorda rakaabkooda.
|