|
Waxaa
nasoo gaaray inuu dagaal dhexmaray, labo jilib oo Mudulood
ah kana tirsan beesha Abgaal , ee kala ah Kabaale iyo Cabdulle-Galmaax;
dagaalkaasna wuxuu ka dhacay tuulooyinka Nuur-Dugle iyo Maa-Saciid
ee ka tirsan Degmada Cadale.
Runti
aad iyo aad ayaan uga naxnay dagaalkaas micno darrada ku dhacay,
ahna dagaal aan loo baahneyn, oo dad badan ku geeriyoodeen,
xoolo badan ku baaba'een, dad badan ku ceertoobeen kuwa badanna
ku barakaceen. Waxaase lala yaabay sida ay u sheegeen oo aan
xishoodka lahayn oo ay ku qayaxantahay cadawtinimada qaawan
ee idaacada BBC-da iyo saxaafadaha ama idaacada leyska arko
ee Muqdisho oo ay u buun-buuniyeen dagaalkaas, ujeedana ka
dambeysana ah in ay colaad abuuraan, dabna laga dhex huriyo
walaalaha meesha ku dagaalay, si uu dagaalka u sii fido, kadibna
dadka walaalaha ahna ay isku dhammaadaan.
Waxaan
leenahay kuwaas maangaabka ah ee ku faraxsan dagaalka Mudulood
in aan lagu noolaan karin labo dab dhexdood. Sidoo kale waxaan
dhalliil iyo cannaan u soo jeedineyna odey-dhaqadmeedyada,
siyaasiyiinta, hoogaamiye kooxeedyada iyo ganacsatada Mudulood
sida gaabista leh ee arrintaas u wajaheen, qaarkoodna ayna
ka hadlin oona loo baahna in mar hore ladaba qabto dhibaata
inta ayna faafin, dagaalkana la joojiyo.
Haddaba,
guud ahaan Mudulood waa inuu ka waantooba dagaal cidda dhexmara
mar kale, wax la arkana ee beesha la xiriira ee qilaaf xagga
beelaha ama siyaasad waa in lagu dhammeeyo wada hadal, wada
tashi iyo tanaasul. Shaqsi la arko ha noqdo siyaasi, hoogaamiye
kooxeed, ganacsato ha ahaado ama oday beeleed, waxaa ka weyn
midnimada Mudulood waana in la dhowro. Haddaba, si looga hortago
qilaafaadka siyaasadeed iyo kan beeleed, lana tixgelinaayo
sida loo wada deggan yahay, Mudulood waa inuu xeer loo dhigo
oo uu ku kala badbaado, sameystana Maamul Gobolleed oo ay
u madax bannaanyihiin in ay deggaan, dadkana wax u qabto,
lagana feejignaado qiyaamada isku dirka dadka walaalaha ah.
Ugu dambeeynti,
waxaan tacsi u direyna dhammaan dadki ku geeriyooday eheladoodi,
samir iyo iimaana ILLAAH naga siiyo, inta hadda joogta tulooyinkaas
iyo kuwa barakacay waxaan hawada u marineyna taagyeero niyadeed
si ayahooda uga tashtaan iskuna tanaasulaan oo ay is cafiyaan.
Waxaa soo saaray baaqan magacyada kala ah:
1. Dr. Cabdi Maxamed Culusow 'Black'
2. Axmed Xasan Cabdi
3. Aadan Moxamed Ibraahim 'Oor'
4. Inj. Maxamuud Xuseen Mooghe
5. Maxamuud Muxidiin Maalin 'Katimba'
6. Cabdulaahi Maxamed Maxamuud
7. Xasan Sheikh Cabdi
8. Musse Cabdulle 'Musse Jareer'
9. Liibaan Cali Mahdi
10. Cali Macalin Musse
12. A. Sheikh Xasan 'Timos'
13. Cadirashid Cali
14. Axmed Hadaafo
15. Xuseen Xasan Uureey 'Ugaaska'
16. Cabdalla Mocalim Maxamuud '
17. Dott. Cabdicasiis Ibraahim Casir |
18. Prof. Cali Jimcaale Axmed
19. Muxidiin Macalin 'Muxidiin Badar'
20.Dott. Xasan Maxamed Cali 'Basei'
21. Siid Cali Cabdulle Barre
22. Dott. Dauud Maxamed Xasan
23. Dott. Cabdiraxmaan Xaaji Gacal
24.Abuukar Sheikh Cabdullaahi' Abuukar Shaxam'
25.Cali Cumar Xuseen
26.Xasan C. Jimcaale 'Xasan Madoobe'
27. Dott. Abuukar Nuur Xuseyn
29.Xasan Maxamed Nuur 'Xasan Makoow'
30. Dr. Saalah Maalin
31.Cabdulaahi Bariire
32. Cabdulaahi Maxamed Cusmaan 'Cukaash Bocow'
33. Abuukar Maxamed Cusmaan 'Abuukar Bocow
34. Maxamed Nuur Cali 'Ditte' |
|