|
Ujeedo:- Baaq xabad joojin
Waxaa weli sii soconaya ku xadgudubyada heshiisyada la gaaro, sida heshiiskii xabad joojinta ee ay madaxda Soomaaliyeed ee ka qeybgaleysa shirka dib u heshiisiinta gaareen welina soconaya, heshiiskaas oo ay saxiixeen madaxda Soomaaliyeed 27 Oktobar ee sanadkii hore.
Hadaba Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa mar kale beelaha soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan kuwa ay dagaaladu ku dhexmarayaan Gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya in ay joojiyaan shuruud la'aan, isla markaana khilaafyada u dhexeeya lagu xalliyo wadahal iyo is faham ay ku dheehan tahay walaalnimo.
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan joojinta dhiiga walaalahood Soomaaliyeed ee daadanaya, kuna dadaalaan dhameynta gacan ka hadalka soconaya.
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu cambaareynayaa cid kasta oo ka mas'uul ah soo noqnoqoshada dagaalada sii soconaya ee weli ka taagan magaalada Xeeraale oo ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya, ahna goob ay horay ugu dagaalameen dhinacyada uu khilaafku ka dhaxeeyo.
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibedda ahna
Wakiilka Golaha wadatashiga Soomaaliyeed
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com
|