|
Walalaayaal,
Jaaliyadda Mudulood ee Dalka Kanada waxay muujinaysaa in ey si aada uga xuntahay ugana walwalsantahay dagaalada beryahaan dambe ka soo cusboonaaday beesha dhexdeeda oo sababay dhimasho iyo dhaawac tira badan isla markaasina dhibaato u geystay hantidii ummada, dagaladaaso ka dhacay Muqdishu iyo meela kale ee ka tirsan degaanka beesha.
Baaqaan adag wuxuu ku wajahanyahay dhammaan culuma’udiinka, odoyaasha dhaqanka, haweenka, duubabaka, siyaasiinta, iyo dhallinyaradaba in masu’uuliyad iyo xil adagba uu ka saaranayahay sidii ey u joojin lahaayeen dhiigaas macna darrada ku qubanayo isla markaasna ey abuuraan jawi saldhigiisu yahay nabad iyo isfagarad buuxa.
Sida la wada ogsoon yahay, dagaal wiil ama gabar kuma dhashaan ee waa ku dhintaan, horena waa uga dheregnay wixii aan ka dhaxalnay dagaalo iyo aafooyin waxanna ugu baaqeynaa qof kasta in uu iskiis masu’ul iskaga saaro sidii loo heli lahaa nabad waarta oo saldhigeeda yahay midnimo, cadaalad, sinaan , ismaqal iyo istixgelin, kuwaasoo dhammantood keeni kara horumar iyo dhismo maamul ee dalkeena uu baahanayhay.
Sidaa darted, anagoo ah Jaaliyadda Mudulood ee degan dalka Kanada waxaan si wadajir ah u go’aansanay in aan la xisaabtanno ciddii rabta in ey waxyeeleyso nabadda iyo horumarka beesha, waxaana dardaaran naga ah in shuruud la’an la joojiyo colaada iyo is-ugaarsiga ka socda beesha dhexdeeda
Dhammanteen waxaan Illahay ka baryeynaa in uu tubta toosan na waafijiyo, dalkeenana ka qaado dhibaatada mudada dheer heysatay si loo soo wada celiyo sharaftii, karaamadii iyo is-dhexgalkii Ummadda Soomaliyeed.
Wa Billaahi Towfiiq
Jaaliyadda Mudulood ee Kanada
Toronto, Jimco, Agoosto 13, 200
|