Waad
Salamantihiin dhamaan
Waxaan
ahay nin dadka Soomaalida ee soo gala dalkan US , ama lagu
xiro ama la geeyo xabsiyada dalkan, gaar ahaan NYC , NJ,
FL iyo meelo kale caawiya.
Anigoo
taasi ugu qabta dhinaca aadamnimada. Hase ahaatee maanta
waxaan la kulmay dumar (haweenay) ka timid Hargeisa, laguna
haayo Xabsiga NJ .
Waana
66 jir, gacana waa go'antahay, hasee ahaate waxaa halkani
keentay gabadh ay isku soo raaceen Hargeysa. Laakin ayadu
ujeedadeeda sida ay igu tiri waxay ahay in lagu daabeeyn
doono Toronto oo u jooga laba wiil ay (aunt ) aayo u tahay
, la kalana yiraahdo Bashiir Xuseein Xersi Maxamed Rashiid
Xersi.
Hadaba
anigoo aad ugu nahay marka la keenay oo la igu yiri bal
islaantaan wareeyso siday halkani ku soo gaartey ee ku kaalmeyey,
anigu koleyba ayadaan kaalmo siinayaa hadii ay tiraahdo
sidaasi baan ku imid.
Arrinta
maanta waxay taagantahay in la helo dadkaasi kor ku xusan
ama haddi aad taqaanin qof duqdaasi oo kale safarkaasi soo
geliyey lacagna ka bixiyey.
Arrinta
hada waxay tahay waan soo dayn karaa anigu laakin waxaan
u baahnay qof kale kafaalad u sameyn karo waayo teeyda keliye
lama ogolaan karo.
Marka
dadkana waxay ka ordaayaan lacag qof lacag rabo ma jiraan
hasee ahaate waxaad ii soo raadisan dad qoftaasi oo klae
ka maqan kana timid Hargeisa .
Qabiilka
ay ii sheegtay waa Isaaq - Gudabuuri - kana tirsan reer
Xareed.
Walalyaal
hadii aad wax war iig keeni kartaan arrintani fadlan ila
xiriira 212 926 6140 Waxaana la i yiraahda Maxamed Bana
Maxamed waxaan ka shaqeeynjirey Wasaaradda Waxbarashadda
gaar ahaan gobolka Banaadir ahaana jirey Maamule Dugsiga
Xamar Jab Jab .