|
Busia (Kenya) 25ka January 2003,
Commentary By Banadir.com
Doorshadii madaxtinimada dalka Kenya ee la qabtay 27kii December 2002 , waxaa dadka Soomaalida ah ee ku nool gobolka waqooyi-Bari ay si lixaad leh ugu codeyeen musharaxa xisbiga KANU ee Uhuru Kenyatta oo uu watay Madaxeyne Danial Arab Moi .
Laakiin sidaanu la wado socono, waxaa doorshadaas si weyn ugu guuleystay musharaxa xisbiyada is-bahaysiga mucaaradka ee Mwai Kibaki , wuxuuna sidii la filayay siiyay qowmiyada Soomaalida hal wasaarad oo kaliya oo ah Wasiirka Shaqada iyo Shaqaaleynta . Wasiirkaas oo ku soo galay tigidhka isbahaysiga mucaaradka ee Galbeedka Wajeer wuxuu ahaa Allaha u naxariistee Mudane Axmed Khaliif Maxamed oo ku geeriyooday shalay galab (24/01/2003) shil dayuuradeed oo ka dhacay magaalada Busia oo ku taala Galbeedka Kenya , una dhow xuduudka Ugandha .
Hadaba waxaa is-weydiin leh waa maxay saameynta ay ku yeelan karto bulshada Soomaalida ee ku nool dalka Kenya dhacdadan iyo waxa ay ka filayaan mustaqbalka maamulka cusub ee Mwai Kibaki . Sida dhabtu tahayna waa arrin adag in laga saadaaliyo sida uu noqonayo qorshaha Dawladda cusub ee ku wajahan dhulka Soomaalidu degto , sababtuna waxay tahay iyadoo ayan xitaa bil qura ka soo wareegin markii loo dhaarshay jagada madaxtinimada Mudane Mwai Kibaki .
Iyadoo ay sidaa jirto , ayaa lama huraan ah inaan bal dib u jaleecno sida uu ahaa saamiga qowmiyadda Soomaalida ku lahayd Xukuumadda Kenya
Markii uu halkaa ka talinayay Madaxweynihii ka horeeyay midkan ee Danial Arab Moi . Inkastoo aan horumar la taaban karo haba yaraatee laga hirgalin gobolka Waqooyi-Bari tan iyo markii dalkaas uu xornimada ka qaatay Boqortooyada Ingiriiska sanadkii 1963 , oo dhinacyada caafimaadka ,isgaarsiinta, tacliinta iyo amniguba ay yihiin kuwa laga naxo oo aan marnaba lala barbar dhigi karin sida uu yahay dalka intiisa kale, hadana markay ugu liidato , waxaa xubnaha golaha wasiirada ugu jiray Soomaalida laba ama saddex ruux .Kabineetkii ugu danbeeyay waxay lahaayeen laba wasiir iyo dhawr wasiir-ku-xigeen .
Qayb la tilmaami karo oo ishu qabaneyso ayeey ku lahaayeen saraakiisha sare ee rayidka ah ee maamulka dawladda ku jira .Sidoo kale ,waxaa u suurta gashay inay Somaalidu ka noqdaan madax taliska sare ee ciidanka qalabka sida ee Kenya .Arrintaas oo ku timid markii af-genbi lala rabay Madaxweyne Moi uu fashilayay General Somali ah. Waxaa taa soo raaca in markii ugu horreysay taariikhda dalka Kenya ay qowmiyadda Soomaalidu yeelato afar safiir oo Madaxweyne Moi qalinka ku duugay, kuwaas oo waliba fadhiya caasimado waaweyn oo kala ah : 1) Qaahira ( Dalka Masar ), 2)Riyaadh ( Boqortooyada Sacuudiga) , 3)Abu Dhabi ( Isutagga Imaaraadka Carabta) iyo 4) Gineva (Switzerland ) .
Taariikhdii Wasiirka Geeriyooday oo Kooban :-
Wuxuu allaha u naxariistee marxuum Axmed Khaliif Maxamed ku dhasahay magaalada Wajeer sanadkii 1950kii . Wuxuu waxbarashadiisa hoose,dhexe iyo ta sare ku soo qaatay magaalada Wajeer , kadibna wuxuu galay Jaamacadda Nairobi isagoo soo bartay Saxaafadda , wuxuuna in muddo ah u soo shaqeeyay Wakaaladda wararka Kenya iyo qaybta dhegeysiga ee bbc-da fadhigeedu yahay Nairobi .
Wuxuu siyaasadda ku soo biiray sanadkii 1979 isagoo noqday xildhibaan ka soo galay kursiga aagga galbeed ee Wajeer , wuxuuna misana mar labaad ku soo guuleystay sanadkii 1983 ,
Laakiin waxaa looga adkaaday doorashadii dhacday 1988 .
Wuxuu mar kale ku soo guuleystay sanadkii 1992 , isagoo hadana looga adkaaday tii dhacday 1997 . Ugu danbeyntii wuxuu ku soo galay tigidhka mucaaradka ee doorashadii dhacady 2002 , halkaas oo uu noqday Wasiirka Shaqada .
Waxaa xusid mudan in mar hore loo magacaabay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud ,Cilmi-baarista iyo Teknolojiyada ee dawladii hore ee Madaxweyne Danial Arab Moi .
|