|
Dubai,13th
June 2001
Report prepared by Banadir.com
Tan iyo
markii Dawladda Imaaraadku ka qaaday xayiraadda soo dhoofinta
xoolaha Soomaaliyeed ee nool saddex todobaad ka hor, waxaa
maalin kasta ku soo kordhaya Suuqyada xoolaha ee magaalooyinka
Dubai,Sharjah iyo Abu Dhabi ari-soomaaliga oo inta badan lagu
keeno doonyo, in yaroo kalena gaadiidka cirka ee dayaaradaha
ay keenaan garoonka Sharjah .
Inkastoo
dhadhanka xoolaheena uu yahay mid ay si fiican u yaqaanaan
dadweynaha ku nool dalkan, oo ay si xoogleh uga door bidayaan
marka la barbar dhigo xoolaha laga keeno meelo badan oo adduunka
ah, hadana waxaad moodaa in ganacsatadeenu laga badiyo xirfadda
suuqeynta (marketing) xoolaha, gaar ahaana marka laga eego
mudada yar ee xayiradda la qaaday iyo sida xad-dhaafka ah
ee sayladaha looga soo buuxiyay xoolaha,taasna ay dhalisay
in sicirka arigeena uu si aad ah hoos ugu dhaco .
Asbaabaha
ugu waaweyn ee dhalinaya dhibaatooyinka noocan ah waa iyadoo
aanay jirin cid u ogaata Soomaalida baahida suuqa iyo dheelitirkiisa
(Demand & Supply) , in ganacsatada ay si is-dabajoog ah oo
haba-yaraatee aaney ku jirin wax isla-socodsiin ah ay uga
keenayaan xoolaha meela kala duwan oo dalka Soomaaliya ah,
kadibna uu suuqa ku dhaco , iyagoon inta badan u diyaarin
xoolaha hooy, baad,biyo iyo dawo, halkaasna uu khasaare xoog
leh ka soo gaaro, sida ku dhacday dhawr ganacsade todobaadkan
bartamihiisa markii ay uga bakhtiyeen dekedda Xamariya ee
magaaladan Dubai ari ka badan 470 neef .
Arigaas
bakhtiyay oo soo galay safar 5-7 maalmood oo dhanka badda
ah,wuxuu soo gaaraa dekedaha Imaaraadka isagoo weyd ah oo
aad u liita , wuxuuna u baahan yahay xanaano gaar ah , si
uu u soo kabto . Laakiin nasiibdarro ganacsatada Soomaaliyeed
inta badan ma awoodaan inay ijaartaan xeryahaas deden ee qorraxda
iyo cimilda kulul ka hareeya ,baadka iyo biyahana ay ku helayaan
.
Sidaas
awgeed, waxaa khasab ku ah inay ku iibiyaan wixii loo garto
oo aan inta badan kaafineyn kharashkii iyo masaariiftii ay
hore u soo galeen, kadibna waxaa inta badan xoolaha kala wareega
qolooyin qowraca ariga liita oo u qaybiya sayladaha, arigana
ladanna dib u sii iibiya .
Hadii
aan mustaqbalka dhow loo furin xoolaha Soomaaliyeed suuqa
weyn ee Boqortooyada Sacuudiga,lana helin cid u habeysa ganacsatadeena
suuqan Imaaraadka, waxaa hubaal ah in maalinba maalinta ka
danbeysa uu suuqa ka jabayo, khasaare iyo magac-xumana u keenayo
xoolaheena.
With the
Compliments of Banadir.com
|