|
Waxay
madaxda qaar ka mid ah Dugsiyada Dawladda si aad ah ugu riyaaqeen
talooyinkii uu dhowaan Baarlamaanka Imaaraadka u soo jeediyay
Golaha Wasiirada ee la xiriiray inay dib uga fiirsadaan go'aankii
looga mamnuucay ardeyda Carabta ah iyo kuwa ajaanibta ah Dugsiyada
Dawladda , sidaas waxaa qortay Jariidada Al-Khaliij ee ku
soo baxda luqada Carabiga ah, cadadkii soo baxay Jimcihii
29ka June 2001 .
Warku
wuxuu intaa ku darayaa in Golaha Baarlamaanka uu si gaar ah
ugu adkeeyay Golaha Wasiirada in ardada Carabta ah la siiyo
tixgelin gaar ah , go'aanka mamnuucidana gebi ahaan laga daayo
.
Sida la
ogsoon yahay , go'aanka Golaha Wasiirada ee looga mamnuucay
ardayda Carabta Dugsiyada Dawladda Sanad-Dugsiyeedka soo socda
ee bilaabanaya 1da September 2001 wuxuu culeys iyo welwel
ballaaran ku hayay Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku nool Imaaraadka
, oo awalba dakhligooda iska liitay .
Waxaa
kaloo jirta in horeba loo kordhiyay qiimaha Iqaamadaha iyo
adeegyada guud ee Maamulka Dawladda, iyadoo iminka guud ahaanba
lacag laga dhigay hawlaha Caafimaadka iyo Cisbitaalada wixii
ka danbeeyay bilowgii bishii May 2001. Report prepared by
Banadir.com
|