|
Mogadishu,22nd March 2004
By Banadir.com
Waxaa shalay Xaruunta caafimaadka takhasusiga ah ee Carafaat oo ku taala magaala madaxdan Muqdisha soo booqday Danjirayaasha Soomaaliya u fadhiya dalalka Dibedda qaarkood, oo beryahanba Xamar uga socday seminaar shaqo. Danjirayaashaas oo u jooga Soomaaliya dalalka Boqortooyada Sacuudiga,Isutagga Imaaraadka Carabta, Kuwait, Qadar, Jabuuti iyo dalka Yaman, waxaa booqashada ay ku yimaadeen Rugta caafimaadka Carafaat ku wehliyay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda KMG ah Cusmaan M. (Dufle).
Waxaa Wasiir Ku-Xigeenka iyo Danjirayaasha Soomaaliyeed si diirran halkaa ugu soo dhoweeyay Dr. Maxamuud zahid oo ah Maamulaha Xaruunta Caafimaadka Takhasusiga ah ee Carafaat, iyagoo si wacan ugu soo wareegay dhamaan qaybaha ay Xaruuntu ka kooban tahay sida Qaybta Kaliyaha iyo Kaadi-mareenka (Urology Section), Qaybta Caafimaadka Caruurta (Pediatrician),Qaybta Daaweynta Guud
(Internal Medicine),Qaybta Caafimaadka Dumarka (Gynecology) Iyo qayb kale oo badan oo muhiim u ah daryeelka caafimaadka dadweynaha oo Rugtu leedahay .
Waxay Danjirayaashu si aad ah ugu farxeen habsami u-socdka maamulka Rugta caafimaadka Carafaat iyo tayada Dhaqaatiirda takhasuska leh ee ku sugan goobtaa iyo qalabka casriga ah ee meesha yaala , gaar ahaan qaybta Kaliyaha & Kaadi-mareenka oo iminka dad badan ka fursatay u-bixitaanka dibedda qaliinka xiran ee sida casriga ah loogu saxo dhibaatada ka timada (PROSTATE) iyo waliba daaweynta iyo wax ka-qabashada dhalma la'aanta ragga (male infertility), halkaas oo Dr. Cabdullahi Maxamuud Maxamed oo si weyn ugu xeel dheer culuunta iyo daaweynta cudurada kaadi-mareenka iyo kaliyaha, uu ka hawl galo .
|