|
Dubai,31st
December 2005
By Banadir.Com,
| La-Taliyaha
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah ee Jamhuuriyadda
Soomaaliya Dr.Maxamed Cali Nur (Americo)ayaa u soo dhamaatay
booqasho dhawr maalmood ahayd oo uu ku tagay caasimadda
dalka Faransiiska ee magaalada Paris . |
|
Intii uu joogay dalkaasna, waxaa La-Taliyaha Ra'iisul Wasaaraha la kulmay saraakiil sare oo ka tirsan Dawladda Fransiiska,isagoo la soo qaaday ballan-qaadkii Madaxweynaha Fransiiska u qaaday Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliyeed kal hore markay isku arkeen magaalada Bamako ee dalka Mali, kalana xaajooday sidii ay ugu fidin lahaayeen wixii gargaar ah Dawladda Soomaaliyeed mustaqbalka dhow.
Sida laga warqabo, Wuxuu Dr. Cali Maxamed Geedi, Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya kula kulmay bishii September 2005, caasimada dalka Mali ee Bamako Madaxweynaha Fransiiska Mudane Jacques Chirac, halkaa oo lagu qabtay shirkii 15aad ee horumarinta Wershadaha iyo iskaashiga dhaqaalaha ee wadamada ku hadla luqada Faransiiska.
Wuxuuna Madaxweynaha Farnsiiska kulankaa ugu ballan qaaday Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi in Faransiisku ka qayb qaadan doono dhismaha dalka soomaaliya guud ahaan,si gaar ahna taakuleyn wax ku ool ah loogu fidin doono dawladdiisa .
Booqashada Farnsiiska kadib,wuxuu La-Taliye Dr. Maxamed Cali Nuur (Ameriko) soo maray dalka Imaaraadka, halkaas uu kula kulmay khamiistii (29/12/2005) Danjiraha dalka Soomaaliya u fadhiya Imaaradka Mudane Xuseen Maxamed Bullaale iyo La-Taliyaha Safaaradda Mudane Xuseen Maxamuud Maxamed.
|