|
Dubai,14th
October 2001
Report prepared by Banadir.com
Sidii
la filayay ayaa madaxa Golaha Wasiirada Dawladda KMG ah Cali
Khaliif Galaydh ka hadlay shalay idaacadda BBC-da isagoo si
kulul eedeyn ugu soo jeediyay Madaxweynaha KMG ah Cabdiqassim
S. Xasan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdalla Deerow Isaaq
.
" Waxaan
si aad ah u tuhunsanahay in Cabdiqassim uu la ogaa hadalka
Cabdalla Deerow ka sii daayay bbc-da, waayo waxaan aaminsanahay
inuusan warkaas ku dhiiran karin. Hadii aniga la ila xisaabtamayo
, waa in la i sugaa,si Cabdiqassim buugiisana baarlamaanka
loo hor dhigo " ayuu yiri Cali Khaliif .
Mar wax
laga weydiiyay asbaabaha keenay arrinkan, wuxuu Cali Khaliif
ku jawaabay inay la tahay in Cabdiqassim iyo Cabdalla Deerow
u doonayaan inay xilka ka qaadaan , si ay u helaan " cid iga
dhega nuqul oo ay ku shubtaan waxay doonayaan , maadaama aan
anigu ahay nin axdiga ku adag ".
Wuxuu
kaloo Cali Khaliif hadalkiisa ku sheegay in lacago farabadan
lagu faraqay Muqdisho intuu ka soo maqnaa oo jeebka la buuxsaday,lana
arki doono ciddii lacagahaas mas'uulka ka ah
.Wuxuuna
ku daray hadalkiisa in Hogaamiye kooxeedyada ka soo horjeeda
Dawladda MKG ah ka sokow, ay iyaga madaxdooda ah isaga daran
yihiin, oo uu midba midka kale eeganayo .
Ugu danbeyntii
wuxuu Cali Khaliif sheegay inuu socdaalkiisa New York sii
wadan doono, walow uu maqlay warar sheegaya in Wasiirka Arrimaha
Dibedda Buubaa uu isna tagayo Washington , laakiinse uu socdaalkiisu
yahay ka saxa ah ee shraciga waafaqsan.
|