|
Abu Dhabi(WAM)13th September 2002
By Banadir.com
Sida ay maanta qortay jariidada Al-Ittixaad ee afka carabiga ah, wefdigii ka socday Baarlamaanka Dawladda KMG ah ee uu hogaaminayay Guddoomiye Cabdalla Deerow Isaaq oo beryahanba booqasho rasmi ah ku joogay Imaaraadka,ayna ka mid ahaayeen xildhibaan cabdullahi Bile Nur ahna madaxa Guddiga Arrimaha Dibedda ee Baarlamaanka iyo Xildhibaan Dr. Cali Baashe, ayaa shalay (12/09/02) booqday meelaha taariikhiga ah ee magaalada Al-Ceyn , oo u jirta 160 km caasimadda Imaaraadka ee Abu Dhabi .
Wuxuuna wefdigu si gaar ah u booqday Matxafka magaalada, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhoweeyay Agaasimaha Matxafka Maxamed Caamir Al-Niyaadi , isagoo ka siiyay wefdiga sharaxaad faahfaahsan oo la xiriira qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Matxafka .
Waxaa markaa kadib wefdiga soo eegay, isagoo uu la socdo Mubaarak Cabdalla Al-Muhairi oo ah Guddoomiye Ku-Xigeenka Golaha Isti-shaariga Wadaniga ee Imaaraadka dhul-beereedka magalada iyo buurta Al-Xufeyd oo ah goob loo dalxiis tago. Waxaa wefdiga Baarlamaanka Soomaaliyeed, oo hore u soo booqday dalalka Ciraaq iyo Suuriya, lagu wadaa inuu ku noqdo Muqdisho Axadda soo socota.
|