|
14th October
2001
Report prepared by Banadir.com
Iyadoo
uu weli socdo dagaalkii beryahan ka socday Muqdisho ee u dhexeeyay
ciidamada Hogaamiye Kooxeedka Xaaji Muuse iyo kuwa Dawladda
KMG ah ,kaas oo u geystay magaalada iyo dadweynaha rayidka
ahba khasaare xoog leh,dhimashaduna kor u dhaaftay labaatan
halka dhaawacu gaaray ilaa iyo lixdan,ayaa galabta(14th October
2001) waxaa idaacadda bbc-da laga wareystay Xaaji Muuse Suudi
:-
Wuxuu
Xaaji Muuse hadalkiisa ku caddeeyay in Cabdiqassim iyo xulafadiisa
ay ka mas'uul yihiin dhimashadii iyo khasaarihii uu dagaalkan
keenay, iyadoo ciidamadiisu ay mar kasta difaac ahaayeen,
halka qolada kale ay weerarka ku jireen .
Wuxuuna
sheegay inuu si aad uga taxadirayay in dagaalku ku soo fido
meelaha ay dadka rayidka ah ku badan yihiin, isagoo isla markaana
diyaar u ah waanwaanta nabadda ee lagu joojinayo xabadda .
Mar wax
laga weydiiyay inuu ka faa'iideysanayo khilaafka soo dhex
galay beryahan Cabdiqassim iyo Cali Khaliif, wuxuu Muuse Suudi
sheegay inaysan u kala sokeyn, maadaama ( Hal booli ah aysan
nirig xalaal ah dhalayn) . .
|