|
MOMBASA,AFP-21st
March 2002 Dubai,21st March 2002
Translation by Banadir.com
Sida
ay qortay maanta Jariidada caanka ah ee Al-Khaliij ee Imaaraadka
ka soo baxda (cadadkeed afka carabiga), wuxuu madaxa Xukuumadda
KMG ah ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ku hanjabay inuu
iska casili doono mansabka Ra'iisul Wasaaranimo hadii aanu
taageero dhab ah ka helin shacabweynaha Soomaaliyeed, xaaladda
dalkuna sii xumaato .
Waxay
kaloo Jariidada Al-Khaliij qoraalkeeda sii raacisay inuu Xasan
Abshir ku caddeeyay hadalkiisa oo laga soo wariyay magaala
madaxda Muqdisha in hadafka dhabta ah ee Xukuumadda KMG ah
uu yahay dhameystirka barnaamijka dib-u-heshiisiinta dalka,
kaas oo Dawladaha ku jira Ururka IGAD ay ayidsan yihiin ,
laguna wado inay Xukuumadda KMG ah iyo Mucaaradkuba ku kulmaan
magaalada Nairobi dhowaan.
Wuxuu
kaloo Xasan Abshir shaaca ka qaaday inay jiraan wada xaajood
dhexmaray Xukuumadiisa iyo Maamulka Puntland ee ka jira gobolada
Waqooyi Bari Soomaaliya , isagoo ugu danbeyntiina ugu baaqay
madaxda mucaaradka gobolada Koonfureed ee Muqdisha iyo Baydhaba
inay ka soo qaybgalaan shirka Nairobi ,xilna iska saaraan
meelmarkiisa
|