|
Laba qof ayaa ku dhimatay kadib markii rasaas laga beegsaday gaari Cabdi Bile oo marayay wadada Fagax ee Magaalada Muqdisho iyadoo dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Is rasaaseyntan ayaa la sheegay in ay ku timid si kama’a kadib markii ay kala shakiyeen maleeshiyada saarneyd Gaariga Cabdi Bilaha iyo maleeshiyo xarun u aha-yd isgoyska Fagax.
Gaariga la rasaasee-yay ayaa la sheegay in uu saarnaa Abshir Kaaraan oo ka mid ah saraakiisha Muuse Suudi ayaa sheegay in shilku uu ku dhacay si ma’ah oo uusan ahayn mid loola dan lahaa iyaga iyo gaarigooda.
|