Col.
Abdullahi Yusuf - Madaxwaynaha Cusub ee Somaliya
(banadir.com ) ( Oct
10 2004) by Asad Nur Mahamed-
| Wararka
naga soo gaarayay Magaaladda Nairobi ayaa sheegaya in Abdullahi yusuf
loo doortay Madaxwaynanimadda Somaliya doorasho furan oo ka dhacday
maanta wadanka Kenya , magaaladda Nairobi o ay ka soo qayb galeen
dhamaan dagaal ogaashaashii wadanka baabiiyay iyo Ururada Bulshadda,
Saraakiil iyo Nabadoono soomaaliyeed oo danaynaayay dhismaha Dowladd
Somaaliyeed oo loo dhan yahay.. |
|
Tiradad cusub oo na
soo gaartay ee wareega labaad waxay tahay sidan: C/laahi Yuusuf (147 )
Cod, C. Axmed Caddow (65) Cod iyo Qanyare (38) Cod. Tiriskii oo waqti
dhow dhamaaday , waa tirada aan tirinay oo ay dhiman tahay go'aankii guddiga
doorashada oo kaliya.
 |
Maanta
duhurnimadii intii aan la bilaabin cod dhiibashada ayaa waxa halkas
ka hadley Guddoomiyaha Baarlamanka cusub ee Federaaliga ee Soomaaliy,
Shariif Xasan Shiikh Adan oo xubnha Baaralamanka halkaas ku goobaabiyey
iney daacadnimo iyo xasilooni ku galaan doorashada. Waxa dhanmmaan
musharaixiinta laga saxiixey warqado ay ku ballanqaadayaan iney u
hogaansamayaan natiijooyinka ka soo baxa doorashadan, islamarkaana
ay la shaqeen doonaan ooy gacan siin doonaan musharaxa ku guuleysta
doorashadan. |
Cabdullaahi Yusuf
oo caawa noqday madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa wareegii
saddexaad Cabdullaahi Axmed Caddow kaga guulaystay 189 Cod, halka Cadow
ka helay 79 Cod, Laba cod ayaa xumaaday.
|