|
Abu Dhabi,04/08/2011
By Banadir.com
Sii-Hayaha
Safaaradda Soomaaliyeed ee ka furan dalka Isutaga Imaaraadka
Carabta Mudane Xuseen Maxamuud Maxamed ayaa uga mahad celiyay
madaxda dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta, gaar ahaana
Madaxweynahooda Sheikh Khalifa Bin Zaayid Al-Nahyaan, gargaarkii
dhanka cunnada quutal-daruuriga ahaa oo ay u fidiyeen dadka
Soomaaliyeed ee Abaaruhu wax-yeelada ka soo gaartay.
| Sii-Hayaha
, isagoo ku hadlaya magaca madaxda Xukuumadda kmg ah Soomaaliyeed,
gaar ahaana Madaxweynaha Sheikh Shariif Sheikh Axmad,
ayaa waxa uu uga mahadceliyay madaxda Imaaraadka sida
ay u tixgelieen, ugana danqadeen xaaladda ba'an ee ay
ku sugan yihiin walaalahooda ku gaajeysan gobolada koonfureed
ee dalka Soomaaliyeed. |

Mudane
Hussein Mohamud Mohamed
|
Gargaarkan
oo u qaybsan dhawr qaybood ayaa qaybta ugu horreysa waxaa
lagu gaarsiin doonaa gobolada abaartu ku dhufatay cunnada
quutal daruuriga ah sida bariiska, burka, timirta, saliidda,
sonkorta ,daqiiqda galeyda iyo teendhooyin. Halka qaybaha
kale ay noqon doonaan kuwa kaaba dhismaha nolosha dadka qaybahiisa
kala duwan , gaar ahaan taakuleynta caafimaadka,dhar ay hugtaan
dadka iyo barnaamij la xiriira qodista ceelasha biyaha la
cabbo .
Wuxuu
kaloo sii-Hayha Safaaradda Soomaaliyeed Mudane Xuseen maxamuud
Maxamed ugu hanbalyeeyay madaxda Imaaraadka munaasabadda weyn
ee lagu soo dhoweynayay dhalashada bisha barakeysan ee Ramadaanka,fadlan
ka aqriso maqaalkii oo afka carabiga ah oo ku soo baxay jariidada
Al-Khaliij, adigoo gujinaya linkigan : http://www.alkhaleej.ae/portal/3236b142-9488-4efb-87cc-adb0b40f4d6d.aspx
|